4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
Kubadda Koleyga: Faysal Jaamac Aadan oo jabiyay Rikoorkii dhibcaha ee FIBA

Axad, February 03, 2013 (HOL) - Uruka kubadda kulayga ee adduunka (FIBA) ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegeen in Ciyaarhanka Soomaaliyeed Faisal Jama Adan uu jabiyey recorkii dhibcaha ugu badan ee hal ciyaar horayna uu dhigay Oscar Schmidt oo ah nin Brazil ah ciyaarihii Olympics ee lagu qabtay magaalada Seoul ee K. Korea sannadkii 1988.

Faisal Jama Adan ayaa rekoorkaas ku jibiyey 59 dibcood ciyaartii Soomaalida ay la gashay dalka Rwanda isaga oo dhaliyey 59 dhibcood. Rekoorkii horay u yaalay ayaa ah 55 dhibcood. Faisal ayaa intii ay ciyaaraha is reeb-reebka zoonka 5aad ee Afrika dhaliyey 145 dhibcood wuxuuna halkaas ku qaatay koobka dhibcaha ee loo yaqaano (High Scorer).

Cumar Baarajab oo ah tababaraha xulka qaranka ee kubadda koleyga ee Soomaaliyaa ayaa sheegay in ay dhallinyarada ka qaybgashay tartanka FIBA ee zonka 5naad ee Afrika ay leeyihiin mustaqbal wanaagsan ayna ku rajo weynyihiin in ay tartamada soo socda ay guul ka gaaridoonaa.

Bisha Juune ee sannadkan ayaa la rajeynayaa in ay ciyaartooyda qaranka ee kubadda kulayga ka qaybgalidoonaa ciyaaraha dalalka Islaamka ee ka dhicidoona dalka Indonesia. Sidoo kale isla sannadkaan bisha September ayaa la filayaa in ka qaybgalaan ciyaaraha zoneka shanaad ee FIBA kana dhicidoonta dalka Uganda.


Macalin Baarajab, tababaraha xulka kubadda kulayga ee Qaranka Soomaaliyeed
Macalin Baarajab oo u waramayey Hiiraan Online ayaa ka warbixiyey Sababaha keenay in ay suuragasho ka qayb-galka ciyaaraha Kubadda Kulayga ee Africa iyo Carabta isaga isaga oo sheegay in aay wada tashi iyo xog-aruuein wada galeen Xoghayaha kubadda kulayga Saciid Faarax, tababaraha Xulka Qaranka Cumar Baarajab, Bashiir Fox iyo Axmed Muuse sida ugu haboon ee looga faa'ideysankaro ciyaartooyda Soomaaliyeed ku nool qurbaha oo qaar ka mid ah ay ka ciyaaraan kulliyadaha Mareykanka, Canada, Europe iyo Australia hal meelna laysugu keeni lahaa si ay matalaan Qaranka Soomaaliyeed. Tababare Baarajab iyo Xoghayaha Saciid ayaa waxay abaabuleen in loo qaybiyo qaarad-qaarad (Somalia, USA, Canada, Ustralia, Europe iyo Middle East) ka dib waxaa u suura gashay in ay soo xulaan ciyaartooydii ugu wanaagsaneyd oo matali lahayd Qaranka Soomaaliyeed.

"Waxaa jira ciyaartooy Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool lehna xirfad ciyaartooy laakin aanan ka warqabin. Waxaan baadigoobidoonaa ciyaartooydaas qarsan si markaas aan u helno ciyaartooyda ugu wanaagsan matali kartana qaranka Soomaaliyeed" ayuu yiri macalin Baarajab

Tabare Baarajab ayaa uga mahadceliyey dhammaan dadkii qayb-qaatay aruurinta ciyaartooydaas ha noqto xag dhaqaale iyo xag fikradeed  islamarkaana galiyey juhdi weyn sidii ay ciyaartooydaas uga qayb-gali lahaayeen tartankaas. Wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa sharikadaha ay ka mid yihiin: Jubba Airway, Jubba Express, Xawaaladda Bakaal, Xawaaladda Mustaqbal iyo sharikadda al-muxaram General Trading oo dhammaantood ku sugan dalka Imaaraatka. Waxaa sidoo kale qayb weyn ka qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo hya'dda HIRDA ee dalka Holland.

Waxaa kale ee aan la iloobi karin soo dhaweyntii weyneyd ee ay kala kulmeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Tanzania kuwaas oo habeen waliba ka qayb-gali jiray ciyaaraha ka socda garoonka. Waxaa si gaar ah cayaartooyada iyo tababarayaasha ugu mahadcelinyaan loogu ganacsi Mahad Garguurte si weyn uga qayb-qaatay soo dhaweynta cayaartooyada.

Halkaan Hoose ka daawo ciyaarta Soomaaliya Vs Rwanda