4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo sheegay in uu fashilmay qorshe ay damcsanayeen Al-shabaab

Axad, Feberaayo, 03, 2013 (HOL) -- Kadib dagaal culus oo habeen hore ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowga Africa ee AMISOM iyo Al-shabaab, ayaa markii ugu horeeysay waxaa HOL dagaalkaasi iyo sida uu u dhacay uga waramay taliska ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne.

Saraakiisha AMISOM waxaa ay sheegeen in weerarkii habeen hore uu ahaa mid ay isku soo baheysteen kooxda Al-shabaab oo sida ay sheegeen iska soo urursaday degmada Buula-burte, Moqokori, Buq-aqbale, iyo deegaanno ku dhaw-dhaw magaalada Baladweyne, kuwaasoo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 400 sida ay xaqiijiyeen dadka ku dhaqan deegaannada ay soo mareen kooxaha weerarka soo qaaday.

"Ujeedkoodu waxaa uu ahaa in ay qarxiyaan ama gooyaan Buundada-Liiqato oo muhiim u ah isku socodka magaalada, islamarkaana go’doomiyaan ciidamada dowladda ee ku sugnaa xaafadda Howl-wadaag, laakiin taa uma suurtagalin oo khasaare ayeey kala kulmeen weerarkaa ay soo qaadeen,’’ ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyn oo codsaday in aan magaciisa la xigan.

Waxaa uu sheegay in ciidamadooda oo isticmaalaya qibrad sare, ku qasbeen kooxihii weerarka soo qaaday in la kala jaro lana go’doomiyo, taasoo u suurta-galin weysay buu yiri intoodii weerarka soo qaaday in ay iska warqabaan.

''Sidii ay ku fikirayeen iyo wixii ay la kulmeen ayaa is yeelan waayay, iyagii dagaalka ku wada jiray ayaa xitaa kala lumay, kadib markii kooxba dhinac lagu go'doomiyay, waana tan keentay in khasaaraha ugu badan uu dhinacooda soo gaaro,'' ayuu sargaalku hadalkiisii raaciyay.

Mar uu soo hadal qaaday inta uu ka og-yahay khasaaraha ka dhashay dagaallka waxaa uu sheegay in ay ku dilleen dagaallka rag badan oo ka tirsanaa Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal sare iyo ajaanib waa siduu hadalka u dhigaye.

"Dhimashada sida aynu warka ku heyno waxaa ay dhinacooda gaartay 21 ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana ku jira dadka dhintay horjoogihii dagaalka oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Qaxwe, sidoo kale waxaa aragnay meydkiisa shaqsi ajnabi ah oo dagaalka ku dhintay, dhinaceena waxaa dhintay hal askari oo kaliya.’’

Waxaa uu sheegay in howlgal markiiba ay sameeyeen ciidamada Jabuuti ay ku soo qab qabteen rag ka tirsan kooxda Al-shabaab oo qaarkood sida uu sheegay dhaawacyo qaba, xiligaanna ku jira gacantooda, islamarkaana ciidamada isku fidiyeen dhul balaaran oo ka mid ah deegaannada ku yaala daafaha magaalada Baladweyne.

‘’Dabcan awoodoodii in la wiiqay waxaa cadeyn u ah tirada ay ku soo dagaal galeen iyo khasaare ay markii danbe la kulmeen, annaga mar walba waa ay naga go’an tahay in aan gacan siinno dowladda Soomaaliya,’’ ayuu hadalkiisa raaciyay.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayeey ugu baaqeen saraakiisha ciidamada AMISOM in ay gacan ka siiyaan sidii looga hor tagi lahaa kooxo uu sheegay in ay carqalad ku yihiin nabadgelyada.

Dagaalkii magaalada Baladweyne ku dhexmaray ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii ay ciidamada AMISOM soo gaareen Baladweyne horaantii sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012-ka.


Xafiiska Wararka Hiiraan Online.