4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka lagu daweeyo TB-da ee Degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

Axad, February 03, 2013(HOL): Deeqraashin ah ayaa gabdho ku dhaqan dalka Holland ay soo gaadhsiiyeen isbitaalka Qaaxadda (TB) ee magaaladda Laascaanood Xarunta Gobolka Sool.

 

Deeqdan oo uu soo gaadhsiiyey masuuliyiinta Isbitaalkaa Cali Cabdi Xaashi Madaxa xawaaladda Tawakal ayaa waxa uu sheegay in ay hablahani u soo wakiisheen in uu gaadhsiiyo isbitaalka raashin ay ugu tala galeen quudinta dadka isbitaalka TBda ku sugan.

 

Dr. Cabdi Maxamed Buraale oo ah madax Isbitaalka TBda ayaa waxa uu sheegay in hablahani ay mar kasta la garab taagan yihiin walaalahooda buka kaalmo sidii ay suuragal ugu ahaan lahayd inay dawadu wax tarto, waxaanu kaloo xusay inay jiraan qaar kale oo haweenka qurba joogta ka mid ah inay iyaguna sidoo kale gacan siiyaan.

 

Dr. Buraale waxa uu ugu baaqay bahweynta degaanka u dhalatay ee daafaha dunida ku dhaqan inay gacan siiyaan dadka caafimaad darradu asiibtay si loo helo dad badan oo walwal baahiyeed hayso ay isbitaalka u yimaadaan.

 

Isbitaalka TBda ee Laascaanood ayaa bilihii u danbeeyey waxaa kor u soo kacaayey dadka la jiifinaayo taas oo sababteeda bahda caafimaadku ay ku saleeyeen deeqda ay ka helayaan dadkaas isxilqaamay oo suuragelisey in loo helo quudin, maadaama ay adag tahay in dad meel dheer ka yimi ay ku jiri karaan waadhka dhaqaale la`aan.

 

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online

[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool