4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
Qarax Xalay ka Dhacay magaalada Wajeer ee dalka Kenya

Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu xalay ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya, iyadoona qaraxaasi uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada Wajeer ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxu uu yimid kadib markii ruux walxaha qarxa sitay ay ku qarxeen, waxaana uu sababay dhimashada ruuxii sitay iyo dhaawacyo soo gaaray afar qof oo mid kamid ah uu ahaa askari katirsan booliska Kenya.

“Salaadii cishaha markii laga soo baxay ayaa waxaa la maqlay magaalada dhexdeeda qarax weyn oo ka dhacay. Marka waxaa xaqiiqo noqotay in nin madoow ah oo gobollada kale ee Kenya ka yimid oo aan reer Waqooyi bari ahayn in uu alaabta qarxeysay watay oo ay ku qaraxday,” sidaa waxa yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo laanta Af-soomaaliga ee BBC-da wareysi siiyay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ahayd meel aad u mashquul badan islamarkaasina ku taal bartamaha magaalada Wajeer ayaa la sheegay in ay durba soo gaareen ciidamo katirsan kuwa Booliska magaalada Wajeer, kuwaasoo xiray wadooyinka mara halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana durbadiiba uu hakad ku yimid ganacsigii iyo isusocodkii dadka iyo gaadiidka ee isticmaali jiray goobtaasi.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii xalay iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay.

Ammaanka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa mid aad u liita iyadoona ay marar badan ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lala beegsaday  ciidamado katirsan kuwa Kenya.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii dowladda Kenya ay ciidamadeeda u dirtay dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen in ay qatar ku yihiin ammaanka dalka Kenya, waxaa isa soo tarayay weerarrada isugu jira dilalka iyo qaraxyada ee lala beegsada askarta Kenya iyo weliba goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah sida Baararka lagu caweeyo iyo Kaniisadaha.

………………
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya