4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Ururka Dhallinyarada SYL II oo Dufcaddii Saddexaad oo Arday ah u soo Gaba-gabeeyay Tababarro kala duwan (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Ururka dhallinyarada SYL II ayaa maanta xaflad qalin-jebin ah u sameeyay illaa 150 arday oo ahaa dufcaddii saddexaad oo ka qalin-jebiya machadka SYL II ee xirfadaha shaqo abuurka, kaasoo si lacag la’aan ah wax loogu barayay.

Xafladda qalin-jebinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee ururka SYL II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb-galay howl-wadeennada kala duwan ee ururka, waaliddiin, marti-sharaf iyo ardaydii ka qalin-jabisay qaybaha kala duwan ee machadka farsamada gacanta sida: harqaanka, makaanikada, faryaamada, sida ganacsiga loo abuuro iyo horumarinta bulshada.

Mid ka mid ah howl-wadeennada ururka SYL II ayaa ku amaanay ardayda qalin-jabisay sida ay ugu dhabar adeygeen muddadii ay wax-baranayeen, isagoo ugu baaqay in dhallinyarada kale iyo bulshadaha ay uga faa’iideeyaan  farsamooyinka ay barteen.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ardaydii qalin-jabisay ayaa waxay sheegeen inay ka faa’iideen tababarka waxyaabo aan lasoo koobi karin, iyagoo tilmaamay in shalay iyo maanta aysan isugu mid ahayn, ayna maanta bulshada wax la qabsan karaan.

Ardayda ka mid ahayd kuwa maanta qalin-jabiyay ee shahaadada la siiyay ayaa sheegtay in SYL II ay u ahayd toosh u iftiimisay waxbarashada iyo sida ay bulshada ula noolaan karaan, isla markaana ay u faa’iideysay in si lacag la’aan ah ay ku bartaan xirfado shaqo oo kala duwan.

Xoghayaha naadiga kubadda cagta ee Elman, Anas Cali Maxamuud oo ka mid ahaa dadkii lagu casuumay munaasabadda qalin-jabinta ayaa sheegay in SYL II ay dhallinyarada u qabteen waxyaabo badan oo baal dahab ah galay, isagoo xusay in dhallinyarada ay kasoo saareen dhanka jahliga oo ay dhanka aqoonta u soo weeciyeen, taasoo ay bulshada marqaati ka tahay.

Xasan Yaxye Cusmaan oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa ugu baaqay dhallinyarada dhameysatay waxbarashada inay bulshada ugu faa’iideeyaan wixii ay barteen, wuxuuna uu uga mahad-celiyay SYL II in maanta ay soo saareen dhallinyaro bulshada wax u qabato, maadaama ay heleen xirfado shaqo ay ku abuuran karaan .

Macallin Barre Bangaladesh oo kalmado aad muhiim u ahaa ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in waxyaabaha muhiimka ah ee ay barteen dhallinyarada ay isugu jirtay mid dadban iyo mid toos ah, isagoo xusay in maanta dhallinyarada mooraalkooda wanaagsan yahay, dadkana ay ku dhex noolaan karaan, isagoo ugu baaqay inay bulshada u adeegaan, wuxuuna ku soo xiray hadalkiisa maanso aad iyo aad u qiimo badan.

Intii munaasabadu socotay ayaa waxaa kooxda Rajo Band ee naadiga SYL II ay kusoo bandhigeen suugaan iyo ruwaayad hal-ku-dhiggeedu ahaa ABAAL, taasoo ka hadlaysay faa’iidada waxbarashada iyo aqoontu ay leeyihiin.

Ugu dambeyn, maamulka iyo macallimiinta SYL II waxay abaalmarin siiyeen shan arday oo kaalimaha koowaad ka galay shanta maado oo ay baranayeen waxayna heleen shahaadooyin iyo abaal-marin gaar ah, waxaana ardaydan saddex ka mid ah ay ahaayeen gabdho, iyadoo dhammaan ardayda qalin-jabiyay ay ahaayeen 150 arday, kuwaasoo dhammaantood la guddoonsiiyay shahaadada muujinayay waxbarashadooda.

Ururka dhallinyarada SYL II ayaa si weyn uga qayb-qaata horumarinta dhallinyarada, wacyi-gelinta iyo xirfado shaqooyin loogu abuuro, waxaana dhallinyaro badan oo xirfad la’aan ah ay noqdeen kuwo ka faa’iida xirfadihii la baray iyagoo haatan ku shaqeysta.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya