4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Dhallinyarro looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab oo lagu xirxiray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska magaalada Baladweyne ayaa gacanta ku dhigay maanta oo Arbaco ah in ka badan 25 dhalinyarro ah oo sida ay sheegeen saraakiisha booliiska Baladweyne uga shakisan yihiin in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne ayaa u sheegay in dhalinyarrada la qabtay iyaga oo la socday gaari ka yimid magaalada Muqdisho oo ay ku safaryeen, xili ay ku sii jeedeen deegaannada maamulada Puntland iyo Soomaliland.

“Waan xirnay dhamaantood, su’aalo ayaana la weydiinayaa, waxaa ay inoo sheegeen in ay ku sii jeedeen deegaannada Puntland iyo Soomaaliland si ay uga sii tahriibaan,’’ ayuu yiri Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Taliyaha ayaa sheegay in ay uga shakisan yihiin dhalinyarrada  in ay ka mid yihiin xoogagga Al-shabaab ee bilihii ugu danbeeyay gaarayay deegaannada Puntland iyo Soomaaliland si ay halkaa uga dagaallamaan.

“Waxaa jira tuhun la xiriira in dhalinyarradan ay qeyb ka yihiin xoogagga Al-shabaab ee ku sii qul qulaya deegaannada Soomaaliland iyo Puntland, laakiin natiijada ugu danbeysay waxaan gaari doonaa marka aan baaritaanka dhameyno,’’ ayuu yiri taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne.

Qabashada dhalinyarradan ayaa qeyb ka ah howlgal si joogta ah magaalada Baladweyne ay uga wadaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti si loo xaqiijiyo amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya