4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Dhoofinta Xoolaha Nool ee Ganacsiga ah oo si rasmi ah sannado kaddib xalay looga billaabay Dekedda Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa laga dhoofiyay markii ugu horreysay xalay xoolo nool oo ganacsi ah, kaddib sannado badan, iyadoo munaasabadda furitaanka ay ka qaybgaleen xubno ka socday dowladda Soomaaliya.

Maareeyaha dekedda Muqdisho, C/llaahi Cali Nuur oo munaasabaddii lagu furayay dhoofka xoolaha nool ka hadlay ayaa sheegya inay tani muujinayso horumarka dhinaca ganacsiga ah ee uu dalku ku tallaabsanayo, isagoo xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay u furan tahay inay dekedda ka dhoofiyaan xoolaha nool.

Wasiir ku xigeenka ganacsiga Soomaaliya, Cabdirisaaq Sheekh Ismaaciil oo furay dhoofinta xoolaha dekedda Muqdisho ayaa sheegay in tani ay tusaale cad u tahay xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo sheegay jiraan maraakiib kale oo diyaar u ah inay qaadaan xoolaha nool ee ganacsiga ah.

“Caawa waxaa laga dhoofinayaa dekedda Muqdisho markii ugu horreysay muddo 20-sano ka badan xoolo nool oo ganacsi ah, waxaana xoolaha nool ee caawa daahfurka u noqonaya dhoofinta xoolaha dekedda Muqdisho ay tiradoodu tahay 549 neef oo lo’ ah, kuwaasoo ku socda dalka Cummaan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in dhoofinta xoolahan ay kobcinayaan dhaqaalaha dalka, isagoo intaas ku daray in xoolihii xalay dhoofay ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

“Xoolahan waxay ku jireen muddo 40-casho ah maxjar ku yaalla Muqdisho, inkastoo aysan ahayn inay muddadaas dheer ku jiraa maxjarka, haddana waxaan diyaarinaynay qalabkii fududeyn lahaa inay xoolahaas dhoofaan,” ayuu wasiirku u sheegay warbaahinta intii ay munaasabaddu socotay.

Dhanka kale, mid ka mid ah ganacsatadii xalay dhoofsanayay xoolaha nool ayaa sheegay in shirkadooda oo lagu magacaabo Al-Cimraan ay noqotay tii ugu horreysay oo dekedda Muqdisho ka dhoofisa xoolo nool muddo dheer kaddib, waana mid aan ku faraxsannahay.

Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ku sugan markab weyn oo diyaar u ah inuu qaasdo xoolo nool oo ganacsi ah, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ee xalay ka hadlay furitaanka dhoofka xoolaha ay sheegeen inay diyaar yihiin 3,000 oo geel la dhoofinayo ah iyo kumannaan kale oo ari ah.

Xoolaha nool ayaa waxay horay uga dhoofi jireen dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ku yaalla Somaliland iyo Puntland, iyadoo tallaabadan ay qaadday dowladda Soomaaliya ay noqonayso mid u sahlaysa ganacsatada inay si fudud xoolahaooda uga dhoofsadaan dekedda Muqdisho.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya