4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Minnesota oo laga xusay sanad guuradii 40-aad ee far-Soomaaliga


Talaado, Tuesday, February 26, 2013 (HOL) - Munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay markii la qoray far-Soomaaliga sanaddii 1972-dii ayaa xalay lagu qabtay  magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Madashaan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen Naadiga Qalinleyda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking Pen) iyo Meertada Afka iyo Suugaanta Soomaalida oo ah koox ka jirta Minnesota, ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad badan oo isugu jiray qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Waxaa halkaasi la isku weydaarsaday warbixinno iyo doodwadaag, kuwaasi oo dhammaantood ku saabsanaa taarikhda iyo marxaladihii uu soo maray qoraalka Soomaaliga iyo waliba horumar iyo dib-udhac wixii uu sameeyey muddadii uu qornaa, iyadooo sidoo kalena goobta lagu daawaday filim [muuqaal] laga soo duubay dad kala duwan oo isugu jiray macalimiin iyo kuwa gacan ka geystay ole-olihii hirgalinta farta Soomaaliga ee loogu magacdaray “Bar ama Baro” oo ahaa mashruuc ay dowladdii kacaanku ku faafineysay barashada Af-Sooomaaliga.

Dadka afyahannada ah ee magacweyn ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ee goobtaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa abwaanka weyn ee Macalin Saciid Salaax Axmed, oo ka sheekeeyey qeymaha ay ummad waliba u leedahay ilaalinta iyo dhowrista afkeeda hooyo, isagoo sidoo kalena sheegay in luuqada Soomaaligu ay tahay mid facweyn leh, islamarkaana ay kaalin wanaagsan kaga jirto luuqadaha dunida, gaar ahaanna kuwa lagaga hadlo wadamada ku yaalla qaaradda Afrika.

Sahuur Xassan Axmed, oo xubin ka ah Naadiga Soomaali Pen, oo ka warbixineysay dadaalada la sameeyey muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa dowladaha iyo maamullada ka jira deegaanada iyo dalalka  looga hadlo Afka Soomaaliga ku ammaantay doorkooda ku aadan horumarinta iyo kobcinta Soomaaliga ee ay sameeyeen, gaar ahaan dowladda Jabuuti oo dhawaan iyadu marti-galisay isku imaatinkii ugu weynee oo looga arinsanayo qoraalka iyo sare u qaadida Soomaaliga.

Intooda badan dadkii kulanka ka hadlay ayaa caqabadda ugu weyn ee soo food-saartay Afka Soomaaliga ku tilmaamay in ay tahay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay oo dadka Soomaalida ku qasbay in ay daris iyo deegaan la noqdeen bulshooyin kala duwan oo aysan af-wadaag ahayn, islamarkaana ku qasbay in ay ku milmaan luuqado shisheeye.

Marka la eego Soomaalida oo lagu tilmaamo in ay yihiin dad ku wanaagsan hal’abuurka suugaaneed, gaaar ahaanna gabayada, ayaa waxaa munaasabadan lagu soo bandhigay qaar ka mid ah suugaanta ay Soomaalidu leedahay sida, heeso, maansooyin iyo gabayo, kuwaasi oo ay goobta ka tirinayeen abwaanno, fanaaniin iyo dad habka suugaanta wax ku cabbira.

Waxaa sidoo kale fagaaraha lagu soo bandhigay buugaag ay qoreen qoreyaal Soomaaliyeed isugu jiray kuwa lagu daabacay Soomaali iyo Ingiriisba, iyadoona sidoo kale lagu iibinayey nugullo ka mid ah qaamuus (diwaan) ku qoran Af-Soomaali oo la magacbaxay “Soo Maal” kaasi oo ah kii ugu weynaa ee ilaa hada qoray.

Ugu dambeyn, waxaa halkaasi Naadiga Soomaali Pen iyo kooxda Meertada Afka iyo Sugaanta Soomaalidu ay halkaasi shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen dad kala duwan oo isugu jiray qoreyaal, wariyeyaal iyo shaqsiyaad kale oo la sheegay in ay gacan lixaad leh ka geysteen baxnaaninta iyo sare u qaadida Soomaaliga.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Sawirrada: Siyaad Saciid Saalax
Minneapolis, Minnesota