4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Safiirka Dowladda Biritain ee Soomaaliya Matt Baugh (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo danjiraha Britain ee dalka Soomaaliya, Matt Baugh oo booqasho gaaban ku tagay xarunta Puntland.

Kulankooda kaddib ayaa madaxweynaha Puntland oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in danjiraha uu kala hadlay xiriirka Britain iyo Puntland u dhexeeya, isagoo xusay in Britain ay u ballan-qaaday in maamulkooda ay ka taageerto mashaariicda horumarineed, amniga, dhisidda dimuqraadiyadda iyo hannaanka ugu wanaagsan ee loo qaban karo doorashooyinka deegaan oo Puntland ka dhaca.

“Waxaa naga go’an inaan sii adkeyno sugidda ammaanka Puntland,” ayuu ku yiri Faroole war uu siiyay saxaafadda, isagoo sheegay in maamukiisa ay ugu jiraan dadaal dheeraad ah sidii ammaanka Puntland oo dhan uu u noqon lahaa mid la isku halleyn karo.

Danjiraha Britain oo isaguna hadlay ayaa sheegay inay dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna rajo ka muujiyay in doorashooyinka la filayo inay Puntland ay ku dhici doonaan si xaq ah oo ay uusan musuqmaasuq ku jirin.

Sidoo kale, Baugh oo ku hadlayay magaca Midowga Yurub ayaa sheegay in il-gaar ah ay ku fiirin doonaan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Puntland ka jira, wuxuuna ku boorriyay xisbiyada siyaasadda ee maamulka Puntland in ay ahmiyad siiyaan nabadgalyada oo ay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri karta carqalad.

Booqashada wafdigan ka socday dalka Birtain ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaanahan ay Puntland ka dhacayeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo maamulka Faroole iyo iyadoo dhawaan lagu dilay Garoowe Sheekh C/qaadir Gacmey oo ka mid ahaa culummada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya