4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya oo ka warbixiyay Safarkii uu ku tagay Magaalada Kismaayo

Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyay safarkiisaas, isagoo sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degmadaas uusan geysan wax dhibaato ah oo weyn.

Guuleed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xal kama dambeys ah laga gaari doono dagaalkii dhex-maray ciidan kawada tirsan maamulka KMG-ka ah ee magaalada Kismaayo, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 10-qof.

“Madaxda maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda waxaan kala hadalnay in xal lagu dhameeyo khilaafkii sababay dagaalka, lagana hortago inay dagaallo noocaas oo kale ah ka dhacaan magaalada,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirku carrabka ku dhajiyay inaysan wax dhibaato ah ka dhicin magaalada Kismaayo, dagaalkii dhacayna uusan khasaare geysan, isagoo ku daray hadalkiisa in dagaalkii dhacay uu ahaa mid u dhexeeyo ciidammo isku mid ah.

Maamulka Kismaayo ayaan weli ka hadlin kualnkii ay la yeesheen wafdiga heerka wasiir ah ee dowladdu ay u dirtay magaaladaas, iyadoo warar hoose ay sheegayaan in wafdiga iyo xubnihii ay la kulmeen ay kusoo kala tageen is-faham darro.

Dhanka kale, waxaa dib hawada ugu ugu soo laabatay isgaarsiintii degmada Kismaayo oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay hawada uga maqnayd, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay maamulka KMG ah ee degmada ay sheegeen in isgaarsiinta loo jaray arrimo ammaan awgood haddana dib loo fasaxay.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo 500-km Koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa shan bilood ka hor laga qabsaday Al-shabaab, iyadoo tan iyo xilligaas uu degmada ka taagan yahay muran ku saabsan maamulka degmadaas iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya