4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Illaa shan Safiir oo Reer Yurub ah oo Warqadahoodii Aqoonsi ahaa u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Muqdisho warqadahooda aqoonsiga danjirinimo u gudbiyay madaxweeynaha Soomaaliya ilaa shan danjire oo ka socotay qaar ka tirsan wadamada reer Yurub, kadib 21 sano oo dalka Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad rasmi ah.

Danjireyaasha warqadooda aqoonsi u gudbiyay madaxweeynaha Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah danjiraha dowladda Germany ee Soomaaliya Margit Hellwig-Bötte, France, Etienne De Poncins, Spain, Javier Herrera García-Canturri , Belgium, Bart Ouvry, iyo danjirayaha  Finland, Sofie From-Emmesberger

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay tixgelinayaan waxqabadka dowladda Soomaaliya ee dhanka dib u heshiisiinta, dhismaha maamullada dalka, ammaanka iyo weliba nabadgelyo kuwada noolaanshaha wadamada deriska la ah Soomaaliya.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in xiriirkan iskaashi ee cusub uu horseedi karo in dhidibada loo taago mustaqbal wanaagsan oo ay yeeshaan dadka Soomaaliyeed.

Tallaabadani ayaa ka danbeeysay kadib dadaallo wax ku ool ah oo ay la timaaday dowladda cusub ee federaalka Soomaaliya, taasoo siweyn usoo jiidatay indhaha caalamka.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya