4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Mas'uuliyiinta Dowladda ee Gobolka Bay oo ku hanjabay in ay Saacadaha soo socdo la wareegi doonaan Buurhakaba

Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) —Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano hoostaga degmada Buurhakaba oo ay dhawaan la wareegeen kadib markii ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab ee mudada dheer ka arimin jiray.

Ciidamadan oo aad u qalabeeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaargarow xooggan ugu jiraan sidii ay duulaan ugu qaadi lahaayeen degmada Buurhakaba oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba ee dowladda Soomaaliya Cabdi Cali Garuun oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan degmada Buurhakaba, wuxuuna xusay in saacadaha fooda nagu soo hayo ay gudaha u geli doonaan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ay gabi ahaanba isaga baxeen halkaasi, wuxuuna intaa ku daray in aysan jirin xilligan awood ay Al-shabaab ku hor istaagi karaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isgarabsanaya.

Xaaladda degmada Buurhakaba ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta aad u kacsantahay, waxayna dadka deegaanka ka cabsi qabaan in uu halkaasi ka dhaco dagaal xooggan oo dhexmara xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada isgarabsanaya ee duulaanka ku ah degmadaasi.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii masuuliyinta ugu sareeysay ee Al-shabaab ay ku dhawaaqeen in ay badaleen qorshe-dagaaleedkoodii hore, waxa isa soo tarayay goobaha lagala wareegayo iyada oo uusan dhicin wax dagaal ah, waxayna saraakiisha Al-shabaab sheegeen in isballaarinta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay tahay mid ay kala kulmi doonaan dagaallo joogto oo kudhufoo-ka-dhaqaaq ah.

Ciidamada huwanta ah ayaa shalay la wareegay deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, waxayna saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada inta ay xoogagga Al-shabaab ka saarayaan guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya