4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Dabley hubeysan oo xalay rasaaseeyey gaari ka baxay waqooyiga Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dadna ku dhaawacay

Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay jidka u galay gaari ay dad rikaab ahi la socdeen oo ka baxay waqooyiga magaalada  Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, kuna sii jeedey degmada Gal-dogob.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ah inta u dhexeysa deegaanada Bayra iyo Halabookhad, waxaana rasaasta gaarigaas lagu furay ku dhaawacmay labo kamid ah dadkii rikaabka ahaa ee la socdey.

Dadka dhaawaca ah oo midkood uu dhaawaciisu fudud yahay, waxaa isla xalay lasoo gaarsiiyey Isbitaalka guud ee gobolka Mudug, iyadoo lagu soo waramayo in xaaladoodu ay tahy xilligan mid wanaagsan.

Dableyda gaariga rasaasta ku furay oo iyagu durbadiiba goobta ka baxsaday, ayaa qaar kamid ah mas'uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntlnad ay sheegeen in ay ka yimaadeen dhinaca Gal-mudug.

Dhacdadan ayaan ahayn mid ku cusub jidka isku xira Gaalkacayo iyo Gal-dogob, haseyeeshee waxaa dhowr mar oo hore ka dhacay falal noocan oo kale ah, kuwaasoo ay qaarkood dad ku dhinteen.

Bishii Novomber ee sanadkii hore ee 2012 ayeyna ahayd markii jidkaas laga afduubay gaari ay wateen 5 nin oo ka tegey Gaalkacyao kuna sii jeedey Gal-dogob.

Intii lagu guda jirey bishan sii dhamaaneysa ee Fabaraayo, waxaa deegaano ka tirsan miyiga gobolka Mudug lagu diley in ka badan 7 qof, iyadoo inta badan sababta dadkaas loo laayeyna ay tahay aano qabiil.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya