4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Xoogag Taabacsan Al-shabaab oo dilay Guddoomiyihii Deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo iyo ku Xigeenkiisii

Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay xalay guddoomiyihii deegaanka Buusaar ee dowladda Soomaaliya iyo ku xigeenkiisii, kaddib markii ay ugu dhaceen guryo ay ka deggenaayeen deegaankaas.

Guddoomiyaha la dilay oo lagu magaaabi jiray Cismaan Cabdi Nuur ayaa la sheegay in isaga iyo ku xigeenkiisa ay Shabaabku uga digeen dhowr jeer ooh ore inay faraha kala baxaan maamulka deegaankaas.

“Kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ayaa xalay u dhacay guryihii ay deegaanka ka deggenaayeen guddoomiyihii iyo ku xigeenkiisii deegaanka Buusaar kaddibna way toogteen,” ayay yiraahdeen dadka deegaanka oo la hadlay saxaafadda.

Deegaanka Buusaar ayaa ka tirsan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, wuxuuna dhinaca bari kaga beegan yahay 40-km, iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay ciidamada dowladda ka bixiyeen falka ay Al-shabaab ku dishay labadan mas’uul.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Gedo ayaa saxaafadda u xaqiijiyay falkan, iyadoo xaaladda deegaanku ay saakay tahay mid deggen, waxaana lagu wadaa in maydadka labadan mas’uul lagu aaso deegaankaas isla maanta.

Al-shabaab ayaa horay uga talin jirtay deegaankan, inkastoo ay dagaal uga baxeen bartamihii sannadkii hore, waxaana tan iyo xilligaas ay Al-shabaab ku sugnay duleedyada deegaankaa, iyagoo dhowr jeer werarro ku qaaday.

Gobolka Gedo ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay dagaallada xooggan ku dhexmarene xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Itoobiya iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan,com
Muqdisho, Soomaaliya