4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 25, 2013
Iska-horimaadyo Dhexmaray Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee USN iyo Ciidamada Nabadgalyada Jabuuti


Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Shaqaaqooyin muddo kooban socday oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa maanta oo Isniin ah dhexmaray ciidamada dalka Jabuuti iyo taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee USN, kuwaasoo ka careysan shir uu ururku yeelan lahaa oo ay xukuumaddu hor-joogsatay.

Afhayeenka xisbigan, Daahir Axmed Faarax (Deef) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in rabshaduhu ay billowdeen markii ciidamada Jabuuti ay ku fureen taageerayaashooda gaaska dadka indhahooda ilmada ka keena, taas oo ay ka caroodeen taageerayaasha.

“Markii hore ma isku soo buxu ma ahayn mid mudaaharaad ah, basle wuxuu ahaa mid ay taageerayaasheennu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin shir la doonayay in maanta uu xisbigu yeesho oo la diiday, balse waxaa si lama filaan ah u dhacay shaqaaqada,” ayuu yiri Daahir Deef oo sheegay inay sii wadi doonaan isku soo baxyada inta looga ogolaanayo in dadweynaha la siiyo isbedelka ay dalbadeen xilligii doorashada.

Sarkaalkan u hadlay mucaaradka ayaa intaas ku daray in dhankooda aysan ogoleyn natiijadii doorashada kasoo baxday, isagoo xusay inay rumeysan yihiin inay heleen codad ka badan kuwa ay dowladdu ku dhawaaqay inay ka heleen doorashooyinka.

Inkastoo xaaladdu ay hadda deggen tahay haddana lama oga khasaaraha ka dhashay isku-dhacyadaas, iyadoo uu noqnayo kii ugu horreeyay oo Jabuuti ka dhaca tan iyo markii ay dhacday doorashadii lagu soo xushay 65-ka mudane ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaan ka hadlin rabshadda, balse warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jabuuti ayaa lagu sheegay shacabku inay ka digtoonaadaan ka qaybgalka mudaaharaadyada rabshadaha wata.

Xisbiga USN oo ay taageerayaashiisu maanta isku dhaceen ciidamada dalka Jabuuti ayaa wuxuu ahaa ka helay doorashada dalka Jabuuti in ka badan 47%, isagoo noqday xisbiga mucaaradka ah ee aad ugu dhow natiijadii doorashada xisbiga talada haya ee UMP.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya