4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 25, 2013
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo ku laabtay Taleex sheegayna in shir wadatashi ah la qabanayo (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada taariikhiga ah ee Taleex, kaddib markuu muddo ka badan saddex bilood ku maqnaa magaalada Buuhoodle, isagoo sheegay in magaalada Taleex ay tahay caasimadda KMG ah ee maamulka Khaatumo.

Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac [Indha-sheel] iyo qaar ka mid ah golihiisa xukuummada ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Taleex ee gobolka Sool, wuxuuna u mahad-celiyay boqolaal dad ah soo dhaweyntiisa u soo baxay, isagoo sheegay in muddaba howlo shaqo ugu maqnaa deegaanno kale, balse uu dib ugu soo laabtay Taleex, wuxuuna beeniyay shaki dadka degmadu isla dhexmarayeen oo ahaa in caasimaddii laga raray Taleex.

Madaxweyne Indha-sheel ayaa shaaca ka qaaday in bilowga bisha soo socota la isugu imaan doono shirweyne wadatashi ah oo ka dhici doona degmada Taleex oo uu sheegay inay tahay caaasimadda maamulka uu madaxda u yahay.

Maamulka Khaatumo oo haatan galay wareeggii sadxaad ee xilka madaxweynenimada oo lixdii biloodba uu mas’uul hayo, taasoo lagu jaan-gooyay muddada KMG ah oo ah sannad iyo bar, iyadoo xilka maamulka uu dhammaad yahay bartamaha sanndkan.

Cabdinuur Cilmi Qaaje oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa la filayaa inuu soo gaaro degmada Taleex si uu hoggaanka meertada ah xliligiisa majaraha ugu qabto.

Maamulka Khaatumo oo haatan sanad iyo bilo jirsaday ayaa wuxuu jaho-wareer xoog leh kala kulmay dagaallo dhinaca siyaasadda iyo ciidankaba ah oo kaga imaanaya maamuladda Somaliland iyo Puntland oo sheegta inay iyaga hoos yimaadaan deegaannada uu maamulkaas ka aasaasmay.

Maamulka Khaatumo ayaa iyagu waxay si aad ah xoogga u saareen sidii ay u kasban lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya oo dadka deegaanku si aad ah u aamisan yihiin; iyagoo ka cararaya in Soomaaliya lagu celiyo sidii ay ahayd sannadkii 1960-kii.





Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool