4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 25, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo ku dhawaaday Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay


Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku dhawaaday degmada Buurhakaba ee gobolka Bay oo ay gacanta ku haysay Al-shabaab, iyagoo haatan ku sugan deegaan lagu magacaabo Jameecada.

Ma jiraan wax iskahorimaadyo ah oo dhacay ama iska-caabin ah oo ay kala kulmeen ciidamadan isbahaysanaya xoogagga Al-shabaab, iyadoo wararku ay sheegayaan in Al-shabaab ay isaga baxday degmada Buurhakaba.

Al-shabaab ayaan ka hadlin ka bixitaankooda degmadaas oo ka mid ah degmooyinka gobolka Bay ee ay weli ku sugnaayeen, iyadoo wararku ay sheegayaan inay ahayd degmo ay dhaqaale badan uga qaadi jireen gaadiidka isaga gooshaya Muqdisho iyo Baydhabo.

Degmada Buurhakaba ayaa waxay noqonaysaa haddii laga saaro gacanta Al-shabaab degmadii afaraad oo ka baxda gacanta Al-shabaab tan iyo billowgii sannadkii hore 2012, markaasoo xoogagga Al-shabaab laga qabsaday degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay.

Burhakabo waxay magaalada Baydhabo ka xigtaa dhinaca Muqdisho 60-km, sidoo kalena waxay degmada Muqdisho u jirtaa 187-km, waana magaalo Qadiimi ah oo taariikh ahaan ka weyn magaalada Baydhabo.

Tallaabadan waxay ka mid tahay mid ay ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ka helayaan ee AMISOM ay isugu ballaarinayaan dalka, iyagoo hal toddobaad gudihiis qabsaday shan deegaan oo ka kala tirsan gobolllada Bay iyo Shabeellada Hoose.

Hiiraan Online
Baydhabo