4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 25, 2013
Shacabka ku nool Gobolka Hiiraan oo ka Dhur-sugaya Maamulka Cusub oo loo Magacaabayo Gobolka Hiiraan

Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) —  Gobolka Hiiraan oo ay lasoo daristay xasillooni-darro iyo maamul xumo 22-kii sano ee dalku burbursanaa ayaa hadda quuddarreynaya nooca uu noqon doono maamulka la filayo inay u magacowdo dowladda Soomaaliya dhawaan.

Shacabka reer Hiiraan oo lagu aqoon jiray is-qaddarin iyo nabad kuwada noolaasho ayaa sanandihii lasoo dhaafay waxaa soo kala dhex-galay shaki iyo kala aamin bax. Nasiib-darro maamulladii kala dambeeyay ee soo maray gobolka ma noqon kuwo ku guuleysta isku soo dhaweynta beelaha gobolka wada dega. 

Arrimahaas aan kor kusoo xusnay waxay dhaxalsiiyeen gobolka inuu ka haro gobollada kal ee la midka ah, kuwaasoo ku tallaabsaday horumar la taaban karo marka loo fiiriyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshadooda sida: sugidda nabadgelyada, waxbarashada illaa heer jaamicadeed iyo isbitaallo casri ah, balse gobolka gobolka Hiiraan intii ay horay u haysatay ayaa burburay kuwo cusub oo la dhiso iska daaye.

Kala aamin-baxa shacabka walaalaha ah ee reer Hiiraan waxay aad u soo shaac baxday markii bishan Feberaayo lixdeedii ay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) booqasho ku tageen magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa weydiiyay odey-dhaqameedyada gobolka inay doonayaan in dowladdu ka caawiso inay dhistaan mamul wax-tar leh; balse si xushmad leh ayay u yiraahdeen annagu waxba ku heshiin meynee dowladdu hannoo soo dhisto maamul cusub.

Sida ilo lagu kalsoon yahay ay HOL u sheegeen dowladdu waxay u xilsaartay maamul u sameynta gobolka Hiiraan wasiirka arrimaha gudaha, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka kheyraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed oo labaduba kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Wasiirradu waxay iyana soo magaabeen guddi ka kooban sagaal xildhibaan oo kasoo kala-jeeda beelaha gobolka dega, kuwaasoo looga fadhiyo inay soo magacaabaan maamul dhameystiran. Sida wararku sheegayaan guddigaas waxay shirkoodii ugu horreeyey isku raaceen in guddoomiyaha cusub ee gobolku ka yimaado beesha Xawaadle, laakiinse waxaa la isku mari la’yahay qaybsiga xubnihii kale ee maamulka gobolka Hiiraan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa hubaal ah in howl aad u baaxad weyn ay sugeyso qofka noqon doona guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan. Iyadoo looga fadhiyo guddoomiyahaas inuusan raacin tubtii kuwii isaga ka horreeyey ay mareen, balse uu kasbado kalsoonida shacabka reer Hiiraan oo dhan, dibna u soo celiyo walaaltinimadii iyo is-xaq-dhowrkii lagu aqoon jiray.

Guddoomiyaha cusub waxaa sidoo kale laga doonayaa isagoo kaashanaya aqoonta iyo hantida reer Hiiraan iyo cid Alle iyo ciddii doonaysa inay maal-gashato in lagu jiheeyo shacabka sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka gobolka Ilaahay ku maneystay ee xagga beereed iyo xoolo noolba leh si dhaqaalaha loo kobciyo dib loogu yagleelo adeegyadii bulshada.

Wararka soo gaaray HOL ayaa waxay sheegay in labada qof oo u sharraxan jagadaas ay yihiin Cabdixakiin Faarax Xubsey iyo Cabdi Faarax Laqanyo. Iyadoo la sugayo in dowladdu looga fadhiyo inay xilliyada soo socda ku dhawaaqdo maamulka cusub ee gobolka Hiiraan.

Hiiraan Online, News Desk