3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 25, 2013
Maamulka Puntland oo Faahfaahiyay Sababta Deegaannadiisa looga Joojiyay Shidaalkii ka iman jiray Dalka Yemen

Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay go'aan ay dhowaan ku mamnuucday, shidaal ay qaar kamid ah ganacsatada yar yar ee Puntland ka keeni jireen dalka Yemen. Arintan oo ay ganacsatadu aad uga soo horjeesteen, ayaa waxaa markii ugu horeysey ka hadlay madaxweynaha Puntlanda Dr. Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey -muddaaharaad lagu dhaleeceynayey dilkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax iyo ururka Al-shabaab oo shalay ka dhacay magaalada Garoowe - ayaa sheegay in ay jiraan ganacsato si hoose ula shaqeysa ururka Al-shabaab.

"Waxaa jira ganacsato badeecado intay soo qaadaan argagixisada caalamiga ahi ay usoo dhiibto oo markaas intay faa'iido ka qaataan inta kale ku maal geliya.. waxaa loo baahan yahay waxkastaba ha ahaatee sida ay tahay in loo wajaho," ayuu Faroole.

Wuxuuna intaas raaciyey in sababta keentay in shidaalka Yemen ka yimaada Puntland laga mamnuuco ay tahay maadaama doonyaha keena lagu soo qariyo hub iyo walxaha qarxa, isagoo taas ka hadlaya waxaa Dr. Faroole hadaladiisii kamid ahaa:

“Waxaa jira dhowaantaan kuwo qaraxyada kasoo qaada Yemen kuna soo gabbada ganacsi uu kamid yahay doonyo yaryar oo xeebaha yemen kasoo qaada Batrool oo kusoo gabbada inay qaraxa soo qaadaan oo hadda kahor labo lagu qabtay magaalooyinka Qandala iyo Caluula maalmahanna kuwo kale la doon doonayo."

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xiligan ay ciidamada Boolisku gacanta ku hayaan dad 50 qof gaaraya, kuwaas oo lala xiriirinayo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacayo iyo dilkii Sheekh Cabdiqaadir, islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan maxkamad loosoo taagi doono.

"Laga soo bilaabo qaraxii lala beegsaday Gen. Muxiyadiin ilaa dilkii Sheekh Cabdiqaadir waxaa la qabtay ilaa 50 qof oo dumar ku jiro, dhalinyaro ku jirto dadkale ku jiraan ... 8na waxa lagu qabtay Laas-caano, dadkaas dhamaantood waxaa lasoo taagi doonaa maxkamad," ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Hadalka kasoo yeeray dowladda Puntland ee ku aadan mamnuucista shidaalkii ka iman jirey dalka Yemen, wuxuu kusoo aadayaa xilli dhowaan uu magaalada Boosaaso ka dhacay dibax-bax ballaaran oo ay soo abaabuleen ganacsatadii uu shidaalkaasi usoo degi jirey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
2/25/2013 2:14 PM EST
Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Shaqaaqooyin muddo kooban socday oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa maanta oo Isniin ah dhexmaray ciidamada dalka Jabuuti iyo taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee USN, kuwaasoo ka careysan shir uu ururku yeelan lahaa oo ay xukuumaddu hor-joogsatay.

2/25/2013 1:52 PM EST
Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada taariikhiga ah ee Taleex, kaddib markuu muddo ka badan saddex bilood ku maqnaa magaalada Buuhoodle, isagoo sheegay in magaalada Taleex ay tahay caasimadda KMG ah ee maamulka Khaatumo.

2/25/2013 1:29 PM EST
Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku dhawaaday degmada Buurhakaba ee gobolka Bay oo ay gacanta ku haysay Al-shabaab, iyagoo haatan ku sugan deegaan lagu magacaabo Jameecada.

2/25/2013 7:41 AM EST
Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Gobolka Hiiraan oo ay lasoo daristay xasillooni-darro iyo maamul xumo 22-kii sano ee dalku burbursanaa ayaa hadda quuddarreynaya nooca uu noqon doono maamulka la filayo inay u magacowdo dowladda Soomaaliya dhawaan.

2/25/2013 5:39 AM EST
Isniin, Feberaayo, 25, 2013 (HOL) -- Wararka ka soo baxaya deegaannka Halgan ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab xabsiga dhigeen qaar kamid ah macalimiinta wax ka barta dugsiyada qur'aanka ee ku yaal halkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaannka.

2/25/2013 4:07 AM EST
Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay gacanta ka helayaan ee AMISOM ayaa u tallaabay maalin ka hor deegaanno ka tirsan gobolka Bay, kaddi markii ay ka gudbeen deegaanno ku yaalla galbeedka gobolka Shabeellada Hoose.

2/25/2013 3:55 AM EST
Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Shir maalmahan urur goboeedka IGAD uga socday xaruunta Midowga Afrika ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa lasoo gabgabeeyay , kaasoo looga hadlayay abaaraha dabada dheer ee kusoo noqnoqda dalalka ku bahoobay IGAD iyo sidii xal soo afjara abaaraha loo heli lahaa.

2/25/2013 3:03 AM EST
Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Yacquub Cali oo horay u ahaa guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ee Al-shabaab haddadna ah guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay dib ugu laabatay xaaladdii mugdiga ahayd ee ay ku jiri jirtay.

2/25/2013 2:46 AM EST
Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa saakay u ambabaxaay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyagoo halkaas kula kulmi doona maamulka degmada, saraakiisha Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo waxgaradka degmada.