4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 25, 2013
Xarakada Al-shabaab oo Macallimiin dhiga Dugsi Qur’aan ku xir-xirtay Halgan oo ka tirsan Deegaanada Gobollka Hiiraan

Isniin, Feberaayo, 25, 2013 (HOL) -- Wararka ka soo baxaya deegaannka Halgan ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab xabsiga dhigeen qaar kamid ah macalimiinta wax ka barta dugsiyada qur'aanka ee ku yaal halkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaannka.

Wararku waxaa ay sheegaayaan in macalimiinta la xir xiray ay ka dhaga-adeygeen ka qeyb-galka kulamo inta badan Al-shabaab ay u qabtaan qeybaha bulshada, kuwaaa oo lagu soo oo bandhigo Kitaab ay ku soo ururiyeen aayadaha iyo axaadiista ka hadllaya Jihaadka.

Macalimiinta qaarkood ayaa sheegay in aysan waqti badan u heyn kulanka ay ugu baaqeen Al-shabaab, waana tan keentay in badan oo ka mid ah macalimiinta in xabsiga la dhigo.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaannka Halgan oo ilaa iyo shalay la sheegay in ay ku mashuulsanaayeen sidii looga sii deyn lahaa Al-shabaab macalimiinta ay qafaasheen ayaa ku guul-dareystay isku deygooda.

Inta badan waxaa xiran dugsiyadii Qur’aanka deegaannka Halgan taasoo keentay in ardey badan ay dib uga dhacaan casharradii ay ka qaadan jireen dugsiyada.

Xarakada Al-shabaab ayaa awaamiir kala duwan ku soo rogta dadka ku dhaqan deegaannada ay maamulaan, iyaga oo cidii u hogaasami-weydana xabsiga u taxaaba.

Xafiiska wararka Hiiraan Online