4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2013
Wasiirka Khayraadka Dalka oo ka Qayb-galay shir looga hadlay Abaaraha soo laabaata oo ka dhacay Itoobiya (SAWIRRO)


Wasiirka Khayraadka Abdirizaak Cumar Maxamed: Shirkii IGAD ee magaalada Addis Abba


Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Shir maalmahan urur goboeedka IGAD uga socday xaruunta Midowga Afrika ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa lasoo gabgabeeyay , kaasoo looga hadlayay abaaraha dabada dheer ee kusoo noqnoqda dalalka ku bahoobay IGAD iyo sidii xal soo afjara abaaraha loo heli lahaa.

Arrinta xal u helidda abaaraha dabada dheeraaday oo ay maal-gelinteeda iska kaashanayaan bangiga horumarinta Afrika iyo dalalka deeqaha bixiya ayay Soomaaliya ka qayb-qaadan doontaa wajiga labaad ee hirgelinta mashaaricda xallinta abaaraha dabada dheer, waxaan loo ogolaaday in Soomaaliya loogu deeqo lacag gaarayso ilaa laabaatan milyan oo dollarka Marekanka ah sannadkan 2013.

Wafdiga Soomaaliya uga qaybgalay kulankaas ayaa waxaa hoggaaminayay, wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehlinayeen wasiir-u-dowlaha wasaaradda maaliyadda, Maxmed Rashiid Sheekh Daahir iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Maxmed Aadan Axmed.

Khudbad uu wasiirka khayraadka ka jeediyay shirka ayaa wuxuu ku sheegay in labaatan sano oo colaado ah kaddib ay Soomaaliya ka dhalatay dowlad rasmi ah, isagoo xusay in qorshayaasha xukuumaddan u deggen ay ka mid yihiin sidii ay dhaqaalaha, ammaanka iyo xasilloonida dalka ay ugu soo celin lahayd.

“Waxaan rumeysanahay in  abaarihii 2011 ku dhuftay Soomaaliya ay sabab u ahaayeen in shirkan la qabto. Waxaan xusuusannaan in 2011 ay dalka ka dhacday abaartii ugu xumayd muddo 60-sano ah, taasoo saameysay 13 milyan oo qof, sababtayna macluul aad u daranm” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay dhibaatadii ay shacabka Soomaaliyeed u geysatay abaartii dhacday sannadkii 2011.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in inkastoo gurmadyo badan loo sameeyay dadkii abaaruhu saameynta ku yeesheen haddana ay weli jirto dhibaato cunno-yaraan oo dalka ka taagan. Balse ay dowladdu dadaaal ugu jirto sidii looga hortegi lashaa in abaartaas oo kale ay dalka kusoo laabato.

Ugu dambeyn, wasiirka oo khudbadiisu ay aad u dhexeerayd, wuxuu kusoo xiray in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud markii la doortay uu ku dhawaaqay lix tiir oo saldhig u noqon doona siyaasadda ay ku shaqeynayso dowladda, kuwaasoo ay ka mid yihiin: amaanka oo dib loosoo celiyo, dhaqaalaha oo lasoo nooleeyo iyo dowlad-wanaagga.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya