4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 25, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaah Gudaha ee Soomaaliya oo saaka u ambabaxay Magaalada Kismaayo

Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa saakay u ambabaxaay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyagoo halkaas kula kulmi doona maamulka degmada, saraakiisha Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo waxgaradka degmada.

Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ah wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, iyadoo booqashadan ay kusoo beegmayso xilli ay degmadaas ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada maamulka iyo kooxo hubeysan.

Ma jiro hadal u warbaahinta siiyay wasiirka arrimaha gudaha intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, balse wasiirku wuxuu horay u sheegay in qorshaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka aan lagala tashan xukuumadda Soomaaliya.

Dhawaanahan ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka socday qaban-qaabada shir-weyne la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo inkastoo uu hakad ku yimid qabsoomiddiisa, waxaana jira muran ku saabsan shirkaas oo ka dhexeeya dadka deegaanka.

Wafdigan sare ee ka socda dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ay dowladda Soomaaliya u dirto magaalada Kismaayo tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday degmadaas muddo hadda laga joojo shan bilood.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegay in Muqdisho lagu qabanayo kulan looga hadlayo maamul u sameynta Jubbooyinka, kaasoo lagu casuumay waxgaradka kasoo jeeda gobolladaas, iyadoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona booqashada mas’uuliyiinta dowladdu ay saakay ku aadeen Kismaayo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha socdaalkan iyo kulammada ay wafdigu kula yeelan doonaan Kismaayo mas’uuliyiinta maamulka iyo waxgaradka degmadaasi waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya