4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2013
Xarun si bilaash ah wax loogu baro hablaha oo laga furay Iskuulka Darwiish ee Magaalada Buhoodle (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 24, 2013 (HOL) — Xarunta waxbarashada hablaha ee Maamo Zamzam oo wax lagu baro hablo ku dhow 40 kuwaasoo la siiyo waxbarsho bilaash ah ayaa qayb laga siiyay dugsiga hoose dhexe ee darwiish ee magaalada Buuhoodle.

Haweeney lagu magacabao, Zamzam Cali Caateeye oo ka mida Qurba-joogta kasoo jeeda magaalada Buuhoodle ayaa waxay go’aansatay afar bilood ka hor inay waxbarsho bilaash ah siiso hablahan dadkoodu awoodda dhaqaale u waayeen inay waxbaraan.

Faadumo C/llaahi Xaaji Nuur oo ka mid ah macallimiinta gacanta ku haya goobtan waxbarashada ayaa waxay warbaahinta oo booqatay maanta u sheegtay inay hablahan yihiin kuwo ku qanacsan inay waxbartaan.

Macallimaddu waxay intaa ku dartay in badanaa qiyaasta hablaha ka caajisa waxbarashada ay yar yihiin illaa ay ka gaarayaan waxbarashada sare, iyadoo ka faaloonaysa hablahana waxa ay tidhi: “Muddadii yarayd ee aan gacanta ku haynay waan ku qanacsannahay iyaguna waa qanacsan yihiin waxaana filaynaa inay mustaqbal yeeshaan.”

Si kastaba ha ahaatee waxbarashadda hablaha ayaa inta badan noqota mid aanay waaliddiintu ku dadaalin khaasatan waqtiga burburka, wallow ay jiraan daraasado la sameeyey sannadihii aan lasoo dhaafnay inay kor u soo kacayso hablaha waxbarashada la keenayo taasoo kusii dhawaanaysa hadda 40% waxbarshada hoose, halka waxbarshada dugsiga sare ay hoos u dhac ku yimaado oo ay gaaraan 25%, halkii ay sannadihii sagaashameeyadii ay ahaayeen qiyaaso la sameeyey oo isku dhowdhowaa 20%, taasoo la maleynayo in 10-ka sano ee soo socda ay gaari doonaan 55%.


Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool