4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2013
Munaasabad lagu maamuusayay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 24, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii aasaaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen wasiirro iyo xildhibaannno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabadan oo 43-guuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidanka ilaalada xabsiyada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xabisiga dhexe ee Muqdisho, iyadoo ay halkaas khudbado kala duwan ka jeediyeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.

Ciidamadu Asluubta ayaa waxay munaasabadda kusoo bandhigeen gaddo-ka-ciyaar iyo dhoolla-tus ay ku muujinyaan awooddooda, waxaana sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay heeso iyo ruwaayado ka turjumayo wax-qabadka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta, Xuseen Xasan Cismaan oo hadal ka jeediyay munaasabadda xuska sannad-guurada 43-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidamada Asluubta ayaa sheegay in ciidamada Asluubta ay soo mareen marxalado kala duwan, iyadoo hadda ku jira kasoo kabashada marxaladihii adkaa ee ay soo mareen.

Wasiirka garsoorka, cadaaladd, owfaaqta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Abyan Nuur ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay sannad-guurada ay u dabaal-degayaan isagoona kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibkooda shaqo.

Xubnihii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi isagoo sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay xudun u yihiin qarannimada iyo jiritaanka dadka Soonmaaliyeed.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo goobta ka hadlay ayaa ciidamada asluubta u gudbiyay slaan uu uga siday madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaarihiisa, wuxuuna intaas ku daray in madaxda dowladdu ay ku howlan yihiin sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa ciidanka Asluubta.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho,Soomaaliya