4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2013
Xaaladda Degmada Kismaayo oo deggen iyo ciidankii oo la kala qaaday

Axad, Feberaayo 24, 2013 (HOL) —Xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa maanta dagan kadib dagaal xooggan oo shalay gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamo beeleedyo kawada tirsan maamulka KMG ee magaaladaasi.

Waxaa maanta caadi kusoo noqday dhaqdhaqaaqii bulshada, sida; waxbarashada, ganacsiga, iyo isu socodkii gaadiidka, kadib markii lagu guuleeystay in lakala qaado ciidamo isku horfadhiyay qeybo katirsan magaalada.

Dadaallo ay sameeyeen saraakiisha maamulka KMG ee Kismaayo iyo waxgarad ku dhaqan halkaasi ayay ku guuleeysteen in ay kala qaadaan ciidamadii is horfadhiyay, waxaana lagu soo waramayaa in ay imika soconayaan dadaallo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafaadkii sababay gacan-ka-hadalka.

Sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah odoyaasha dhaqan Kismaayo, xubno ay hogaaminayeen gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo gudoomiye ku xigeenka maamulkaasi Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) ayaa la sheegay in ay ku guuleysteen in labadii ciidan ee isku horfadhiyay bartamaha magaalada lakala qaado islamarkaasina xaaladda magaalada ay kusoo noqoto mid caadi ah.

“Magaaladu aad bay u dagantahay, ciidamadii shalay dagaalamay oo ilaa saaka ku kala sugnaa goobihii uu dagaalka ka dhacay ayaa lagu guuleystay in lakala qaado, hadana waxa soconayo dadaallo lagu wada hadashiinayo dhinacayadii dagaalamay,” sidaa waxa yiri oday dhaqameed codsaday in aan magaciisa la xigan.

Ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku saabsan xaaladda Kismaayo oo kasoo baxay masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo, waxaana inoo suurogaliwaysay xiriiro aanu la sameeynay masuuliyiintaasi.

Dagaal xooggan oo gudaha Kismaayo shalay ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan maamulka KMG ee Kismaayo ayaa sababay dhimashada 10 qof iyo dhaawac intaasi ka badan, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya