4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2013
Israsaaseyn sababtay dhismasho oo ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ku dhexmartay Suuqa Bakaaraha

Axad, Feberaayo 24, 2013 (HOL) — Haweeney rayid ah ayaa ku dhimatay is-rasaaseyn maanta ku dhexmartay ciidammo kawada tirsan dowladda gudaha suuqa weyn ee Barkaaraha, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay.

Iskahorimaadkan oo daqiiqado kooban socday ayaa wuxuu dhacay kaddib markii uu khilaaf soo dhexgalay ciidammo dooyay inay lacago ka qadaan goobaha ganacsi ee suuqa qaarkood iyo ciidammo kale oo diiddan.

“Dagaalku wuxuu ahaa mid kooban, waxaa ku dhimatay haweeney rayid ah oo suuqa ka adeeganaysay, mana jiraan khasaare kale oo rasaastaas ka dhashay, xaaladduna waa mid deggen,“ ayuu yiri ganacsade dukaan ku leh halka uu dagaalku ka dhacay oo la hadlay HOL.

Ganacsadahan ayaa sheegay in ciidamadii dagaalku dhexmaray ay goobta ka tageen, isagoo xusay in sidoo kale shalay uu iskahorimaad noocan oo kale ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, kaasoo u dhexeeyay isla ciidanka maanta dagaalamay.

Muddo kooban ayuu xayirmay ganacsiga qaybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, inkastoo markii dambe ay dib u furmeen, waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay billaabayso qaadista canshuurta barriga.

Suuqa Bakaaraha oo ah midka weyn Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday bishii Ogoosto ee sannadkii 2011 waxaa gacanta ku hayay ammaankiisa ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, inkastoo mararka qaarkood ay shaqaaqooyin ka dhacaan.

Ma jiro hadal ku saabsan iskahorimaadka ciidamada dowladda kawada tirsan ku dhexmaray Suuqa Bakaaraha oo kasoo baxay dhinaca dowladda, iyadoo tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo ciidammo ay isku rasaaseeyaan gudaha suuqa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya