4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2013
Waaxda dhulka ee dalka Kenya oo dhismihii safaaradii hore ee Soomaalida si rasmi ah u soo wareejisay (SAWIRRO)
DSCN4763.jpg
Axad, February 24, 2013(HOL) - Xaflad lagu maamuusayay maalin kadib markii ay dawlada Kenya gacanta ka galisay Soomaaliya warqadda lahaanshaha ee dhismihii hore ee safaaradda Soomaaliya ayaa lagu qabtay isla dhismahaas.

Waxaana xafladdan oo uu hogaaminayay safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ka qaybgalay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaarii.

Munaasabadda oo laga jeediyay khudbado lagu ammaanayo halgankii uu soo celinta dhismahan ka qaatay danjire Cali Ameeriko ayaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu ballanqaaday in golaha shacbigu ay xooga saari doonaan sidii wax looga qaban lahaa soo celinta hantidii qaranka ee la dhacay intii uu dalka ahaa dawlad la’aanta.

DSCN4710.jpg

Waxaana uu gudoomiyuhu digniin u jeediyay kuwo laga yaabo inay gateen hanti uu lahaa qaranka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in laga dabo tagi doono.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu dhammaaday murankii ka tagnaa dhulka safaarada mar hadii gacantooda ay soo gashay warqada lahaansha ama sabraloogada.

“Maanta waxaan joognaa guul, dhulkaan aan taaganahayna waa dhul Soomaaliyeed oo gacanteena ku soo noqday” ayuu yiri danjire Ameeriko.

Ugu dambayntiina danjiraha Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay billad sharaf kaalintii uu ka qaatay soo celinta dhulkaas, iyadoo muddo dheer uu maxkamadda ka socday kiiska dhulka safaarada oo ku doodayay nin hindi oo horay dhulkaas looga iibshay.

DSCN4744.jpg
DSCN4724.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya