4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2013
Al-shabaab oo ka hadashay Dagaalkii Kismaayo iyadoo ku eedeysay Ciidanka Kenya inay madaafiic ku garaaceen Magaaalada

Axad, Feberaayo 24, 2013 (HOL) —Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay dagaalkii shalay gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmaray ciidamo beeleedyo ka kala tirsan dowaldda Soomaaliya iyo ururka Raaskaambooni.

Gudoomiyaah Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka Sheekh Xudeyfa  C/raxmaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Kismaayo ay masuul ka tahay dowladda Kenya, wuxuuna xusay in ciidamada Kenya ay shalay madaafiic ku garaaceen xaafado ay daganaayeen dad rayid ah.

Masuulkani ayaa sheegay in mudadii ay Al-shabaab gacanta ku heysay degmadaasi in ay ka jirtay nabadgelyo, isagoona intaa ku daray in amni darradi hadda kasoo cusboonaatay ay masuul ka yihin dowladda Kenya, ururka Raaskaambooni iyo ciidamada dowladda ee gacan ku heynta degmadaasi kala wareegay Al-shabaab, kadib dagaallo xooggan oo ay kula galeen qeybo katirsan gobolka jubada hoose.

Sidoo kale gudoomiyaha Al-shabaab ee jubooyinka ayaa sheegay in uu fashilmay shirkii la filayay in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka, wuxuuna xusay in ergadii loo keenay in ay maamulka dhisto ay ku go’doonsanyihiin qeybo kamid ah magaalada.

Hadalkan kasoo yeeray gudoomiyaha Al-shabaab ee jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli dagaal culus uu shalay gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmaray ciidamo beeleedyo ka kala tirsan dowladda iyo ururka Raaskaambooni, dagaalkaasoo inta la ogyahay ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qof, halka la sheegayo in ay dhaawacyo kasoo gaareen tiro intaa ka badan oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya