4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Ra’iisul wasaaraha Somalia oo ku baaqay in si deg-deg ah lagu joojiyo Dagaal ka Qarxay Magaalada Kismaayo


Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) —  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta soo saaray baaq ku aadan dagaalka kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

“Waxaa dhawaan i soo gaartay inuu dagaal ka qarxay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Soomaaliyeed si aan macno ahayn lagu daadiyo waqti ay dadka Kismaayo sugayeen inay maamul sameystaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku baaqayo in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka. Annagoo ugu baaqayna dhinacyada dagaalkaas ku lugta leh inay is xakameeyaa, kuna raadiyaan xalka qaab ku dhisan is qancin iyo tanaasul.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka deegaankaas ay xusuusinayaan in dagaal iyo xoog uusan ku jirin xalka ummadda. Balse uusan ku jirin dagaal iyo colaad.

Mudane Saacid ayaa sheegay in dhawaan ay dowladda Soomaaliya u gudbisay casuumaad guddiyadda qaban-qaabada  maamul u sameynta Jubbooyinka si ay isugu yimadaan kulan wadatashi ah oo soconaya 26-ka Febaraayo ilaa 01-da Maarso.

“Waxaan mar labaad  ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka ahliga ah ee ay ku wax yeeloobayaan shacabku, dhamaan waxaan xasuusinayaa in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad cusub oo ku salaysan nabad iyo wadatashi, taasoo looga soo gudbay xiligii KMG-ka ahaa, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar,” ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray in ALLE ugu baryayao dadkii ku dhintay dagaalkaas inuu ehelladoodii  samir iyo iimaan ka siiyo, inta dhawaca gaarayna uu caafiyo. Waxaana EEBBE ka baryayaa in qof danbe oo Soomaaliyeed uusan dagaal aan loo baahneyn ku waxyeeloobin isaga iyo hantidiisuba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya