4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Hay’adda Samafalka ee HRD oo haween barakacayaal ah uga furtay Muqdisho Tababar lagu barayo Ganacsiga (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) —  Hay’ada samafalka maxaliga ah ee HRD Horn for Relief & Development ayaa 20 haween barakacayaal ah uga furmay maanta xarunta Xaawo-taako ee ururka SSWC ee magaalada, iyagoo la barayo haweenkan horumarinta ganacsiga iyo maaliyadda, waxaana gacan ka geysanaya tababarkan ururka shaqaalaha adduunka ee ILO.

Tababarka ku saabsan xirfad-abuuridda ganacsiga, maamulka, maaliyada iyo dajinta qorshayaasha ganacsi (Entrepreneurship, Financial Management and Business Plan Development Training) ayaa wuxuu socon doonaa muddo saddex toddobaad ah.

Haweenka loo qabanayo tababarka ayaa waxay ku nool yihiin xeryo qaxooti oo ku yaala degmooyinka Hodan iyo Dharkeenleey waxayna da’adoodu u dhexeysaa 18-jir illaa 39-jir.

“Ujeeddada tababarkan loo qabanayo haweenkan waa in looga kaalmeeyo inay noqdaan hal-abuurayaal ganacsi isla markaana loogu abuuro fursado shaqo. Markii uu tababarkan dhammaado haweeney walba waxaa la siinayaa laca 300 oo doollar ah si ay ganacsi yar ugu furato. Sidoo kale haweenka waxay heli doonaan taageero farsamo inta ay ku gudo jiraaan abuurista ganacsiga iyo maamuliddiisa,” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Maxamed oo ah madaxa hay’adda HRD oo ka hadlayay furitaanka tababarka.

Sidoo kale, C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay in tababarkan uu socon doono maalmaha toddobaadka oo dhan marka laga reebo maalmaha Jimcaha ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyah in tababarkan uu noqon karo mid wax weyn ka bedela fikirka haweenka loo furay.

Hinda Axmed Faarax oo iyaduna ku hadlaysay magaca hay’adda SSWC ayaa soo dhaweysay tababarkan waxayna ku tilmaantay mid ahmiyada weyn u leh haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa tababarka loo furay maanta. 

Madaxa furlinta ee SSWC, Aamina Xaaji Cilmi oo iyaduna hadal ka jeedisay furintaanka tababarka ayaa faahfaahisay taariikhda haweenka Soomaaliyeed iyo u dhabar-adaygooda waqtigii aadkaa ee dalku soo maray iyadoo xustay in sidoo kale uu ahmiyad gaar ah u leeyahay barnaamijka haweenka danta yar si ay noloshooda u maareeyaan.

Ugu dambeyn, waxaa si rasmi ah tababarka u furay Cabdi Isaaq Maxamed oo ah madxa hay’adda ILO ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuuxsaday in tababarkan uu yahay fursad weyn, wuxuuna kula dardaarmay haweenka nasiibka u yeeshay inay tababarkan qaataan inay si wanaagsan uga faa’iideystaan oo kaalitooda ay kasoo baxaan si hay’adda ku bixisay dhaqaalaha iyo midda fulinaysaba ay ugu farxaan natiijada soo baxda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya