4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo kulammo la yeeshay wafdi uu Hoggaaminayay Baker Buzdag (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta la kulmay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayay raiisal wasaare ku xigeenka dalkaas, Bekir Bozdag oo uuna ka mid ahaa wasiirka horumarinta Turkiga, Cevdet Yilmaz.

Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira horumarinta ammaanka iyo mashaariicda dowladda Turkiga ay kawaddo gudaha Soomaaliya, kuwaasoo billowday sannadkii 2011.

Waxaa kulankan ka qeyb-galay, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ariimaha dibadda Soomaaliya, Fowziya Yuusuf Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ra'iisul wasaare Cabdi Saacid iyo Baker Bozdag ayaa kulanka kaddib waxay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta, iyagoo sheegay inay isla garteen wax walba oo ay kulankooda maanta kusoo qaadeen. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Turkiga uu mahad uga celinayo sida hagar la’aanta leh ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed iyo sida ay dowladda Turkigu diyaarka ugu tahay dib u dhiska Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isaguna sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalka ay Turkigu ku bixinayaan wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya iyo sidii dalkan uu uga bixi marxaladdii uu horay ugu jiray,  waxaana halkan ka caddeynayaa in Turkiga ay ku dhiirran yihiin inay wax walba oo aan weydiisanno nagu taageeraan.

"Waxaan ku heshiinnay wafdiga Turkiga in mashaariicdooda lagu baahiyo dalka oo dhan, waxaana kala saxiixan doonnaa heshiis cusub oo dowladda aan walaalaha nahay ay ka hirgelin doonto guud ahaan dalka oo dhan," ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid.

Howlaha ay dowladda Turkiga kawaddo gudaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah sidii ay dowladdaas uga qaybqaadan lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo horumarinta dalka oo ay colaado ka jireen muddo 22-sano ah.

Dhanka kale, Buzdag oo isguna hadlay ayaa sheegay in booqashadiisan ay la xiriirto sidii uu u kormeeri lahaa mashaariicga uu Turkigu kawado gudaha Soomaaliya iyo sidii uu u furi lahaa mashaariic kale oo dowladdiisu ay ugu talogashay inay ka fuliso Soomaaliya.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya