4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga oo saakay soo gaaray Magaalada Muqdisho

Turkish Ministers to visit Somalia and Sudan
Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Baker Buzdag ayaa saakay soo gaaray Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan, taliyaha booliiska, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo xubno kale.

Baker Buzdag ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay wasiirro ka tirsan dowladda Turkiga uu ka mid ahaa wasiirka horumarinta dalkaas, iyagoo kulammo hordhac ah kula yeeshay garoonka diyaaradaha wasiirrada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho waxay la kulmi doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha, iyagoo kala hadli doona howlaha Turkiga uu kawado gudaha dalka.

Sidoo kale, wafdigan waxay ka qaybgeli xaflad lagu furayo iskuul, masjid iyo xero lagu xannaaneeyo agoonta oo ay dowladda Turkiga ka higelisay magaalada Muqdisho, taasoo qayb ka ah mashaariicda ay Soomaaliya ka wadaan.

Waa markii labaad oo wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ay yimaadaan Soomaaliya tan iyo markii laga baxay xilligii KMG ahaa, waxaana booqashooyinka ay ka tarjumayaan sida Turkiga ay uga go’an tahay inay gacan ka geystaan dalka dib u dhiska Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan hay’ado badan oo Turki ah, kuwaasoo wada howlo dib u dhis ah oo ay ka mid yihiin dib u dhis ay ku sameyanyaan isbitaalka Digfeer iyo dugsigii farsamada gacanta ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxay ku yimaadeen diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines oo duulimaadyo caalami ah ku timaadda Muqdisho toddobadkii laba jeer, waxayna shirkaddan noqonaysaa tii ugu horreysay oo duulimaadyo caalami ah ku timaadda Soomaaliya muddo 20-sano ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya