4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Natiijadii Hordhaca ahayd ee Doorashooyinkii Baarlamaaniga Dalka Jabuuti oo lagu dhawaaqay Saakay aroortii hore


Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — Natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada baarlamaaniga dalka Jabuuti ayaa 5:00 aroornimo ee saakay lagu dhawaaqay, iyadoo xisbiyada talada haya iyo kuwa mucaaradka ah ay aad isugu dhawaayeen.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane ayaa sheegay in xisbiyada talada haya ee UMP uu helay 49.39%, halka xisbiga ugu weyn USN 47.61% halka xisbiga CPU oo mucaarad ah uu isaguna helay saddexda soo hartay.

Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in doorashada ay u dhacday si xor ah oo cadaaladi ay ku jirto, balse mas’uul u hadlay xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa sheegay in doorashada la musuqmaasuqay.

Afhayeenka xisbiga USN, Daahir Axmed Faarax (Daaf) ayaa markii natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqay wuxuu wariyeyaasha ugu sheegay halkii looga dhawaaqay doorashada inaysan ku qanacsanayn natiijadaas, isagoo sheegay inay u joogeen goobaha codadka laga dhiibanayay goobjoogayaal u tirinayay codadka ayna hayaan warqadihii rasmiga ahaa ee cod-bixinta.

Mas’uulkan ayaan sheegin tallaabo ay qaadan doonaan, iyadoo lagu wado in laba maalmood kaddib si rasmi ah ugu dhawaaqaan golaha dastuuriga ah ee dalka Jabuuti oo loo gudbinayo codadka la tiriyay.

Doorashadan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo mucaaradka dalka Jabuuti ay kuraas ku yeeshaan baarlamaanka dalkaas, iyadoo la ogyahay in baarlamaanku uu soo doorto madaxweynaha dalka.

Ma jiraan wax rabshado ah oo dhacay intii ay doorashadu socotay, iyadoo lagu wado in goobjoogayaashii caalamiga ahaa oo tiradoodu ahayd 73 xubnood ay warbixin kasoo saaraan sida ay doorashadu u dhacday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya