4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga oo shaaciyay in Somali Magan-galyo Doon ah ay Baasaboorro Faslo ku raacaan Turkish Airlines


Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin u kala hadlay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in Soomaali badan oo doonaya inay galaan dalalka Yurub ay baasaboorro faalso ah ama la been abuuuray ay ku raacaan diyaaradda Turkish Airlines oo ah diyaaradda keliya ee duulimaadyo caalami ah ku tagta Muqdisho.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa duulimaadyo ku timaadda Muqdishho laba jeer toddobaad walba, iyadoo keenta rakaab, kuwo kalena ka qaadda, iyadoo duulimaadyada diyaaraddan ay u sahleen Soomaali badan oo caalamka ka imaanaya inay soo raacaan.

“Xaaladda Muqdisho waa mid wanaagsan, dad bandan ayaana dib ugu soo laabanaya,” ayuu yiri madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud. Isagoo intaas raaciyay: “Dhibaarada soo korortay markii Turkish Airlines ay billowday inay duulimaadyo ku timaaddo Muqdisho waa in Soomaali badan oo doonaya inay Yurub galaan ay baasaboorro aan la been abuuray ay ku raacaan diyaaradda.”

Jen. Gaafoow ayaa sheegay inay qabteen toddobaadkii hore saddex ruux oo isticmaalaya baasaboorro la been abuuray. Isagoo Soomaalida ku nool Yurub ay arrintan qayb weyn ku leeyihiin. Iyadoo la sheegay in Soomaalidu ay ku bixiyaan kumannaan kun oo doollar si ay u isticmaalaan baasaboorro la been abuuray ama faalso ah.

“Qurbo-joogtu waxay raadinayaan baasaboor uu ku dhagan yahay sawir u eg qofka ay doonayaan inay geeyaan Yurub, taasna waa mid aan si dhow ula soconno,” ayuu yiri Jen. Gaafoow.

Sidoo kale. taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa tusay wariyeyaasha baasaboorro la been abuuray oo uu sheegay in la doonayay in looga dhoofo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay Turkish Airlines oo lagu magacaabo, Merve Oruc ayaa isaguna xaqiijiyay in baasaboorro aan sharci ahayn lagu raaco diyaaradooda.

“Arrintan awgeed, waxaan go’aansannay in diyaaradaha Turkiga ee Somalia soo aadaya aan kusoo darno shaqaalaheenna baarista qaarkood, kuwaasoo kala shaqeynaya shaqaalaha waaxda socdaalka Soomaaliya sidii loo hubin lahaa baasaboorrada ay wataan dadka Soomaaliyeed ee dhoofaya,” ayuu yiri Oruc oo la hadlayay wakaaladda wararka AP.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay in arrintan ay sabab u noqon karto in Turkish Airlines ay joojiso duulimaadyada caalamiga ah ee ay ku timaaddo Muqdisho. Balse afhayeenka u hadlay Turkish Airlines ayaa sheegay inuusan jirin qorshe ay ku doonayaan inay ku joojiyaan duulimaadka ay diyaaradooda ku tago Muqdisho.

Tan iyo markii ay ciidamada Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan Muqdisho 18-bilood ka hor waxaa soo badanayay Soomaalida ka imaanaya dalka dibaddiisa si ay u arkaan qoysaskooda oo muddo dheer ay isugu dambeysay.

Dalalka Reer Yurub ayaa ka digay markii Turkish Airlines ay duulmaadyada ka billaabaysay Soomaaliya inay dhici karaan in dad magan-galyo doon ah ay soo raaci karaan diyaaraddaas, inkastoo dowladda Turkiga ay sheegtay inay ka hortagayso arrintaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya