4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in Muqdisho ay ku Tallaabsatay nabad uuna ka socdo Horumar ganacsi oo xoog leh

Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya uu yahay mid aad uga wanaagsan sidii uu ahaan jiray, waxayna xukuumaddu Sheegtay in magaaladu uu ka soconayo horumar iyo ganacsi baaxad leh.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ammaanka ka jiro magaalada Muqdisho ay cadeyn u tahay wufuudda caalamiga ah ee imaaneysa magaalada, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay imika gashay marxalad cusub oo dowladnimo.

Masuulkani ayaa sheegay in magaalada Muqdisho oo hore loogu tilmaami jiray in ay tahay caasimadda ugu qatarta badan caalamka, in imika ay ka jirto xasilooni iyo isdhexgal dhanka bulshada ah, wuxuuna sheegay in arintaasi ay sabab u tahay waxa uu ugu yeeray "Soomaaliyada cusub" iyo isbadalka uu dalku galay.

“Waa nalaku aamini karaa waana ku faraxsannahay fursadda Soomaaliya u dhalatay, waxaana rajeyn doonnaa inaanu shaqada iyo waxa nalaku aaminay aan sii wadi doonno, halkanna aad arki doontaan anagoo shirar jaraa’id kula qaban doonna dadyoow kala duwan oo caalamka ka yimid,” ayuu ra’isul wasaaruhu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in horumarka iyo ammaanka ka jiro Muqdisho ay bilow u tahay Soomaaliyada cusub, wuxuuna intaa ku daray in xukuumaddiisu ay ka go’antahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa imika laga dareemayaa isbadal baaxad leh, marka loo eego sidii ay ahaan jirtay, waxaana degmooyinka kala duwan ee gobolka banaadir ka soconayo dib u dhis, iyadoona dalka ay dib ugu soo laabanayaan dadweeyne fara badan oo ka kala imaanaya daafaha caalamka.

Arintani ayay dad badani aaminsanyihiin in ay sabab u tahay isbadalka ka dhacay dalka, iyo weliba shacabka Soomaaliyeed oo ka daalay dagaallo sokeeyo,  islamarkaasina garowsaday in aysan jirin meel u dhaanta dalkooda hooyo, imikana ku baraarugay dib u dhiska iyo weliba ka qeby-qaadashada nabadda iyo horumarka dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya