4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Ciidammo gaar ah oo Magaalada Hageysa ka Billaabay xilliyada Habeenkii ah Howgallo lagu sugayo Ammaanka


Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Ciidamo gaar ah oo loo yaqaan RRU iyo kuwa nabadsugidda Somaliland ayaa ka billaabay xilliyada magaalada Hargeysa xiliyada habeenkii ah howgallo lagu sugayo ammaanka, kuwaasoo ay ku qab-qabteen dad badan oo shacab ah.

Howgalladan ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku raadinayaan kooxo ay uga shakisan yihiin falal argagaxiso, iyadoo la sheegay in goobaha qaarkood ay u dhacaan habeenkii saqda dhexe ogeysiis la’aan.

Ganacsade Sharma’arke Cabdi Cabdullaahi oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in dukaan iyo maqaayad uu lahaa la jabsaday, lagana baxay saddex dhallinyaro ah oo ku sugnaa goobahaas.

“Dukaan iyo hoteel laga cunteeyo oo isku dhaggan oo aanigu lahaa ayay u dhaceen ciidamada Somaliland habeen hore, waxayna halkaas kala baxeen saddex dhallinyaro ah, inkastoo aan la iga qaadan wax hanta ah, haddana waxay isaga tageen iyagoo furan oo aan ilaalo lahayn,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sidoo kale, ganacsadahan wuxuu sheegay in markii lagu soo wargeliyay in ciidamadu ay jabiyeen meheradihiisa uu soo aaday, balse loo diiday inuu u gudbo intii uu howgalku socday, isagoo sheegay inaan lagu wargelin waxa laga baarayo meheradihiisa.

Ciidamada Somaliland ayaa waxay sidoo kale dhowrkii habeen ee lasoo dhaafay u dhaceen guryo ay dad shacab ah deggen yihiin iyo goobo ganacsi, iyagoo raadinaya dad ay uga shakisan yihiin inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagaxisada ah.

Taliyaha ciidamada booliiska Somaliland, Jen. C/llaahi Fadal Iimaan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo howgalladan iyo sababta loo xirxiray dadka ay ciidamadu kala baxeen guryahooda iyo goobaha ganacsi. Balse wuxuu xusay nay dhawaan ka warbixin doonaan howgalladan.

Howgalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda Britain ay horraantii bishan sheegtay in Somaliland ay kusoo wajahan tahay khatar argagxiso, iyagoo uga digay muwaadiniintooda u safraan deegaanada uu maamulkaas ka taliyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya