4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Japan oo safiir u soo magacawday Soomaaliya


Khamiis, Febraayo,19 2013(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku qaabilay Safiirka cusub ay dowladda Japan u soo magaacwday Soomaaliya.

 

Kaddib markii uu ka guddoomay waraqadaha shaqadda ayuu Madaxweynaha sheegay in dowladda Japan ay ka mid tahay dowladdaha Soomaaliya toos ula xariira. Japan ayaa waxaa ay Soomaaliya ku bixisay $200 milyan, si Soomaaliya nabaddeeda dib loogu soo celiyo.

 


Ugu dambeyntii ayuu Madaxweynaha sheegay in dalal gaaraya 20 dal ay Soomaaliya u soo magacaabeen Safiirro, kuwa kalena ay soo magacaabi doonaan. Taasna waxa keenaybuu yiri horumarka xagga amniga ah ee ay ka gaareen dhammaan ciidammadda qalabka sida iyo kuwa Midowga Afrika.

 

Xafiiska Hiiraan Online