4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan kula qaatay Muqdisho Madaxa Hay’adda samafalka Mareykanka ee USAID (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay madaxa hay’adda samfalka ee Mareykanka USAID, Mr. Rajiv Shah. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Mr. James Swan iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Kulankan ayaa wuxuu imanayaa muddo afar toddobaad ah kaddib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh booqday dalka Maraykanka iyadoo mas’uulkan uu ka mid ahaa kuwii uu kula kulmay magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka.

“Dhammaan arrimihii aan kawada hadlanay Rajiv Shah waan isku afgaranay, waxaana u sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in hadda laga caawiyo dhinacyo badan wuuna naga ogolaaday,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo la hadlay warbaahinta kulanka kaddib.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay si gaar ah uga codsadeen in laga taageero dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka oo qayb ka ah lixda tiir siyaasadeed ee dowladdiisu ay ku shaqeynayso afarta sano ee ay jirto.

Dhanka kale, madaxa USAID ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay doonayso inay ku caawiso Soomaaliya 20 milyan oo doollar, si horumar looga gaaro arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada,cunnda iyo caafimaadka.

“Maanta waxaan maal-galin ku sameynaynaa dhallinyaradiina, beeralayda iyo xoola dhaqatada, ragiinna, dumarka iyo caruurtiina, si loo horumariyo caafimadka, wax-barashada iyo fursadaha kale. Waxaan rabna inaan gacan qabanno Soomaalida si ay uga hortagaan dhammaan dhibatooyinka soo waajahda, ha ahadaan mid uu sababay bina’aadmiga ama mid dabiici ah ee ka dhashay deegaanka. Waxaan ku faraxsannahay inaaan ku dhawaaqno inaan bixini doonno 20 milyan oo doollar oo kale si loogu taageero waxyaabaha aan sheegnay oo dhan iyo waliba wax loogu qabta arrimaha deg-degga ah ee cunno-yarida” ayuu yiri Shah.

Sidoo kale, madaxa USAID wuxuu sheegay inay Muqdisho u yimaadeen adkeynta xiriirka Maraykanka kala dhexeeya Soomaaliya iyo ka hadalka mustaqbalka dambe ee dalka. Isagoo xusay inay ku ixtiraamaynaa madaxda Soomaalida waxay doonayaan in laga caawiyo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon isna oo la kulmay mas’uulkan ayaa sheegay inay isla soo qaadeen in la taageero Soomaaliya, isagoo uga mahadcelinayaa dowladda Mareykanka dadaalka dheeriga ah ee ay Soomaaliya ku caawinayso.

Booqashadan ayaa waxay imaanaysaa laba maalmood kaddib oo Muqdisho uu booqasho ku yimid xildhibaan Keith Ellison oo ka tirsan golaha wakiilada (Representative) ee Koongraska Mareynka. Xildhibaankan ayaa laga soo doorto gobolka Minnesota oo ah gobol ay ku nool yihiin Soomaalida ug badan ee ku nool dalka Mareykanka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa yiri: “Waan soo dhaweynayaa xiriirka iyo saaxibtinimadda Mareykanka iyo Soomaaliya, waana ugu mahad-celinayaa go’aanka dowladda Maraykanka ay qaadatay ee ku aadan inay si rasmi ah u aqoonsato dowladda Soomaaliya.”


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya