4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Gaadiidka AMISOM oo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Somalia ku jiiray wadada isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada dowladda AMISOM ayaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku jiiray gobolka Shabeellada Hoose, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Shilkan oo ka ka dhacay jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah kolonyadii ay wateen AMSIOM uu si lama filaan ah ku jiiray sarkaalka.

“Baabuur ay wateen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi ayaa si lama filaan ah ugu jiiray deegaanka Calamada sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray, C/salaam Sheekh Maxamuud Hilowle (Baraxoow),” ayuu yiri Col. Hilowle Ciise oo la hadlay saxaafadda.

Maydka sarkaalka ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamadii jiiray sida uu mar kale u sheegay saxaafadda Col. Hilowle oo intaas ku daray in falkan uusan ahayn mid si ula kac ah loo sameeyay.

Shilka uu ku dhintay sarkaalka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay taliska AMISOM ka qaadan doonaan ciidamadii watay gaadiidka jiiray sarkaalka Soomaaliga ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM ay jiiraan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo dad shacab ah, iyadoo ciidamadii falalkaas horay u geystay qaarkood lagu xukumay xabsiyo kala duwan, lagana joojiyay shaqooyinkii ay hayeen.

Ciidamada Burundi ayaa waxay qayb ka yihiin 17,500-askari ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo sidoo kale ka socda dalalka Uganda, Kenya iyo Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya