4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 20, 2013
Dalka Jabuuti oo uu ka socda diyaargarow xooggan oo loogu jiro sidii lagu soo dooran lahaa Baarlamaanka cusub (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka socda diyaargarow xooggan oo loogu doorashooyinka golaha xildhibaannada cusub ee baarlamaanka dalkaas, iyadoo markii ugu horreysay loo ogolaaday in tartankan ay uga qayb-galaan si furan xisbiyada mucaaradka ah muddo dheer kaddib.

Taageerayaasha isahaysiga talada ah ee dalka Jabuuti UMP ayaa sheegay inay dooran doonaan dhammaadka toddobaakan xildhibaannada ka socda xisbiga talada haya, sidoo kale kooxaha mucaaradka ah ayaa sheegay inay iyaguna dooran doonaan xubnaha mucaaradka ah oo ay sheegeen inay is-bedel wadaan.

“Waxaan taageeraynaa xildhibaannada xisbiga talada haya ee UMP, waxaan taageeraynaa Ismaaciil Cumar Geelle… waxaan ku taageeraynaa dhibaatadii uu naga saaray, wuxuu qabtay, jahligii uu naga bixiyay, innagoo habeen ku jirna haddaan haween nahay ayuu iftiinka noo saaray, waana middaas tan aan ku taageerayno,” ayay tiri Aamino Daahir Cawad oo ka mid ahayd dad isku soo baxay oo taageerayay xisbiga talada haya.

Ololayaasha doorashooyinka ayaa tan iyo toddobaadkii hore si xowli ah uga socday magaalooyinka iyo gobollada dalka Jabuuti, iyadoo mas’uuliyiinta xisbiyada tartanka ka qaybgalaya ay la hadlayeen dadweynaha si ay uga helaan codadkooda.

Maalinta Jimcaha ah ee soo socota ayaa waxaa lagu wadaa in dalkaas ay ka dhacdo doorasho ay shacabku kusoo dooranayaan xildhibaannada guud ee baarlamaanka dalkaas, iyadoo xisbi walba uu u xusul-duubayo sidii uu ku heli lahaa aqlabiyadda baarlamaanka.

“Waxaan taageersannahay xisbiga USN ee mucaaradka ah, waayo waxaa ku jira culummada dalka, waxayna wadaan isbedel,” ayay tiri haweeney ka mid ahayd dadkii taageerayay mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ee dalka Jabuuti ee ka qaybgalaya doorashada.

Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa soo doorta madaxweynaha, taasoo ah midda ay xisbiyada mucaaradka ah iyo kuwa muxaafidka ah ay tartanka ugu jiraan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kuraasta baarlamaanka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya