4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 20, 2013
Wasiirka Beeraha Somaliland iyo wafdi Midawga Yurub ka socday oo booqday Waddo laga dhisayo Gobolka Awdal (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Wasiirka beeraha Somaliland, Faarax Cilmi Geedoole oo ay weheliyaan deeq-bixiyayaal caalami ah oo ka socday Midawga Yurub iyo hay’adda FAO ayaa booqday halka ay marayso hawsha jidka la dhisayo oo isku xira degmada Boorama iyo deegaanka Xeego ee gobolka Awdal.

Ujeeddada wafdigan ay u soo booqdeen Boorama ayaa waxay ahayd in deeq-bixiyayaasha ay indhahooda ku arkaan meesha ay gashay lacagtii ay ku yabooheen dhismaha jidkan, waxayna soo arkeen hawsha meeshaas ka socota oo ah mid aad u xooggan una dhib badan oo ay dadka deegaanku gacmaha ku jarayaan jidkaas buuraha ah si ay u banneeyaan halkaasi jidna ugu helaan beeraha tirada badan ee uu qaniga ku yahay deegaankaas ee halkaas ku go’doonsan.

Wasiirka beeraha , Faarax Cilmi oo halkaas ka hadalay ayaa u mahad-naqay deeq-bixiyayaasha iyo dadka deegaanka wuxuuna xusay in hawsha halkaas ka socotaa ay tahay mid aad u balaaran wuxuuna yiri: “Waa wax lagu farxo in la arko dadka deegaanka oo howl qabsanaya, waana guul in maanta ay indhahooda ku arkaan deeq-bixiyaasha Yurub oo arkay meesha ku baxayso  lacagtii ay ku deeqeen, waxaan leeyahay jidkani waa mid muhiim ah oo halbowle ah oo u baahan in taageero kale lagu bixiyo, si beeraleyda ku nool gobolkan ay u helaan jid ay mirahooda ku iib-geystaan.”

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanka oo iyaguna ka halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan deeq-bixiyayaasha, waxayna sheegeen in wali loo baahan yahay kaalmadooda si guul looga gaaro in la dhameystiro dhismaha jidkan.

“Waddadan aadka u adag ee aad arkaysaan waxaan ka hadalnay markii aan aragnay inay go’doon ku yihiin deegaankan beero badan oo qani ah, waxaan ku billoanay iskaashiga dadka, waxaana ku faraxsannahay in deeq naga soo gaarto FAO oo noqotay hay’ad nasoo gaarsiisay deeq wax ku ool ah, waana mid naga go’an inaan u guntanno sidii aan jidkaas u banneyn lahayn,” ayay yiraahdeen odayaashii goobta ka hadlay.

Si kastaba ha ahaatee in goobtan ay soo booqdaan deeq-bixiyaashu isla markaana arkaan lacagtoodu meeshii ay gashay waxay ahayd mid lagu guulaystay, waxaanse meesha ka maqnayn in illaa hadda xadiga deeqaha ah ee ka yimaada deeq-bixiyaasha ay aad u yar tahay marka la barbar dhigo howsha meesha taalla iyo sida ay dadka deegaanku ugu howlan yihiin sidii ay howsha ku gudan lahaayeen.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Soomaaliya