4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Suldaan ka tirsanaa Isimmada Waaweyn ee Puntland oo Maanta lagu Toogtay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa suldaanka guud ee beelaha Ugaar Saleebaan, ayaa barqanimadii maanta lagu toogtey bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Puntland Col. Cabdicasiis (Gacamey) oo ay suldaanka ehel yihiin, islamarkaana warbaahinta maxalliga ah dilka kadib la hadlay, ayaa sheegay in suldaanka ay toogteen rag ku lebisnaa diriiska ciidamada.

Wuxuuna intaas raaciyey in  dableyda suldaanka diley oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca ee AK47 ay durbadiiba goobta ka baxsadeen, si dhab ahna aan ilaa iyo hadda loo aqoonsan.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa ah faras magaalaha, waxaana ka agdhow xarumo badan oo ay dowladdu leedahay, kuwaasoo ay kamid yihiin: xarunta dowladda hoose, xarunta maamulka gobolka, Bankiga iyo xarunta taliska Booliska ee gobolka Bari.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo dhinaca dowladda kasoo baxay oo ku aadan dilka Suldaan Muuse Faarax Muuse, waxaase socda baaritaanno arintaas la xiriira oo ay Boolisku wadaan.

Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa Isim si weyn looga tixgeliyo Puntland, waxaa la filaya in saacadaha soo socda lagu aaso isla magaalada Boosaaso.

Dilalka qorsheysan ayaa labadii sano ee ugu danbeeyey si aad ah ugu soo badanayey magaalada Boosaaso, wuxuuna dilkani noqonayaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka dhaca sanadka cusub ee 2013.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya