4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dhaqdhaqaaq ciidan kawada deegaanno Hoostaga Magaalada Baladweyne

Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa dhaq dhaqaaqyo militari ka wada deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Howlgalka militari ayaa bilaawday kadib markii habeen hore xoogagga Al-shabaab weerar culus oo soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurey ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM isku fidiyeeen dhul ballaaran oo horay ay saldhigyo ugu ahaa xoogagga Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in saacadaha soo socda u sii dhaqaaqi doonaan ciidamada isbaheysanaya deegaanno kale.

“Ciidamada waxaa ay xiligan ku sugan yihiin deegaanno dhowr ah oo ka baxsan magaalada Baladweyne, waxaana uu qorshuhu yahay in la gaaro dhulka wali ku harsan gacanta Al-shabaab ee ka tirsan gobollka,’’ ayuu yiri Col. Tawane Axmed Gurey.

Dagaallkii habeen hore ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara magaalada, waana markii ugu horeysay oo si toos ah uu dagaal uu u dhaxmaro ciidamada Jabuuti iyo xoogaga Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in dagaallkii habeen horee khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday kuna dileen rag sar sare oo ka tirsanaa xarrakada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya