4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Ardayda Jaamacadda Addis Ababa wax-ka-barta (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa la kulmay maanta ardayda wax-ka-barta jaamacadda Addis Ababa, isagoo uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen.

Prof. Jawaari ayaa si gaar ah ula kulmay ardayda wax ka barta kulliyadda barashada nabadda iyo ammaanka, waxaana uu ardayda u jeediyay hadal soo jiitay dareenkooda, isagoo uga warramay isbedelka dhinaca nabadda ah ee ka jira Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay gashay xilligan isbedel weyn, kaasoo ay shacbiga iyo dowladduba ay u diyaarsan yihiin; waxaana taas ugu wacan in dadku ay kasoo daaleen dhibaatadii ay muddada dheer kusoo jireen, haddana waxay diyaar u yihiin inay wax wada-qabsadaan, waana taas midda horseeddday isbedellada dalka ka jira, sida doorashadii madaxda dalka,” ayuu Jawaari u sheegay ardaydii uu kula kulmay jaamacadda Addis Ababa.

Ardayda jaamacadda Addis Ababa dhigta oo ay ku jiraan kuwo Soomaali ah ayaa weydiiyay guddoomiyaha baarlamaanka su’aalo ay ka mid ahaayeen sida ay Soomaaliya u wajahayso argagaxisada, maadaama ay Soomaaliya ku sugan yihiin kooxo argagaxiso ah.

“Hadda Soomaaliya way ka adkaatay argigixisada sida kooxda Al-shabaab, isla markaana inta badan dalka waa laga saaray, waxaana si weyn uga soo horjeestay shacabka, taasoo sahashay in laga saaro deegaanno ay horay uga talin jireen. Sidaa daraadeed dowladdu waxay wadaa sidii ay qorshe ugu dejin lahayd howlaha horumarineed ee dalka,” ayuu Jawaari kaga jawaabay su’aashii la weydiiyay.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa waxaa la weydiiyay su’aal ahayd fursadaha ay dowladdu u diyaarisay dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo su’aashaas kaga jawaabay: “Dowladda waxay ahmiyad siinaysaa sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen fursadaha dhinaca horumarka ah, sida dib u dhiska dalka. Waayo baarlamaanka Soomaaliya wuxuu dhallinyarada u soo bandhigay furasado shaqo oo ka bannaan, gaar ahaan kuwa jaamacadaha dalka kasoo qalin-jabiyay; taasna waa qayb ka mid ah isbedelka aan dalka ka hirgelinayno.”

Afhayeenka baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu berri kulan la yeesho Soomaalida ku nool magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo kulankan ay qabanqaabinayso safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka magaalada Addis Ababa.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya