4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo maanta Garoowe soo gaarey (SAWIRRO)

Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya  Michele Cervone oo maanta soo gaarey magaalada Garoowe ayaa la kulmay madaxda sare ee dowladda Puntland.

Michele Cervone oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan safaaradaha Norway iyo Denmark ee Soomaaliya iyo weliba xubno ka tirsan guddiga EU u qaabilsan Dimuqraadiyadda ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Kulanka kaddib ayaa waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay madaxweyne Faroole iyo  Michele Cervone, waxayna ka warbixiyeen waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay labada dhinac shirkooda iskula soo qaadeen.

Dr. Faroole oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee ay wefdiga EU isla soo qaadeen uu kamid yahay sidii loo dardar gelin lahaa geedi socodka Dumuqraadiyadda ee Puntland iyo Nidaamka siyaasadeed ee axsaabta badan.

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyey in sidoo kale ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xoriyatul-qowlka, kaas oo sanadihii u danbeeyey ay dhinacyada siyaasadda xukuumadda Dr. Faroole dhaleeceeyaa tilmaamayeen in lagu xadgudbo.

Michele Cervone oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin booqashada ay xiligan kusoo gaareen caasimadda Puntland ee Garoowe iyo weliba heerka uu xiligan marayo geedi socodka Dimuqraadiyadda ee Puntland.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in EU ay Puntland horay uga taageeri jirtey dhinacyo badan, islamarkaana ay xiligan ka taageeri doonto dhinaca ammaanka, si kor loogu qaado xasiloonida guud ahaan deegaanada Puntland.

Michele Cervone oo dhowaan loosoo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya, ma ahan markii ugu horeysey ee uu booqasho ku yimaado Puntland, haseyeeshee wuxuu magaalada Garoowe yimid dhowr mar oo hore.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya