4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo soo Ban-dhigtay Qorshe wax lagu barayo Hal Milyan oo Arday (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Wasaarada waxbarashada iyo adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay qorshe waxbarasho ee sanadka 2013, kaasoo loogu talo-gashay inay ka faa’iideystaan ardayda Soomaliyeed ee aan heysan fursadaha waxbarasho kaddib markii ay saameyn ku yeesheen duruufaha adag ee dalka ka jiray 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirrada wasaarada horumarinta iyo adeegga bulshada, Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta qorshahaas kaga dhawaaqday munaasabad lagu qabtay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho; taasoo ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha bulshada sida: aqoonyanno, waxgarad, culumaa’uddiin haween, xildhibaanno iyo qaar ka mid ah bahda waxbarashada iyo jaamacadaha ka jira dalka.

Maryan Qaasim ayaa sheegtay in caruur gaaraysa afar milyan oo da’doodu ka hooseyso 18-sano aysan haysan waxbarshadii ay u baahnaayeen xiligan taasoo keentay bay tiri in duruufaha nololeed ee heysta qaarkood looga faa’iideystay inay ka qayb-qaataan dagaalladii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay dalka.

“Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa arrintaas, kana damqaneysa waxay isku duba-ridday qorshe waxbarasho oo ballaaran kaasoo aan jecelnahay inay ka faa’iideystaan arday gaaraysa hal milyan oo uu kala qaybsan heerarka kala duwan ee waxbarashada, waxaana hirgelinta qorshahaas gacan naga siinaya qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay oo dhawaan aan kula soo kulmay Nairobi.” ayay tiri wasiiradda.

Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay in qorshahaas uu ku jiro in guud ahaan dalka laga hirgeliyo dugsiyo gaaraya 900 oo isugu jira kuwo cusub iyo kuwii hore oo dayactir lagu sameynayo, iyadoo xustay inay tababarro siin doonaan macallimiin heerar kala duwan leh oo gaaraya 3,000 si ay bilow ugu noqdaan dhaqaajinta waxbarashada dalka oo ay sheegtay inay ka qayb-qaadan karto soo celinta nabadda, iyadoo tilmaantay in nus malyuun ka mid ah ardaydan ay ka imaan doonaan Koonfurta Soomaaliya, halka qayb kalena ay wadaagi doonaan gobollada Bariga iyo Waqooyiga Soomaaliya.

“Anigu waxaan ahay dhakhtarad dhinaca caafimaadka ah, waxaan wax ku soo bartay canshuurtii shacabka laga qaadi jiray, waxaan rabaa in caruurta Soomaaliyeed ay helaan taasoo kale, sidaas awgeed qorshahaan wuxuu billow u yahay qorshe aanu rabno inaan waxbarasho aasaasi ah ugu helno afarta milyan ee aan hadda waxbarashada heysan,” ayay intaa ku dartay wasiiradda oo qaybaha bulshada ka dalbatay inay gacan ku siiyaan fulinta qorshahaas.

Waxaa sidoo kale goobtaas ka hadlay mas’uuliyiin iyo qaar ka mid ah qaybaha bulshaha ee ka qayb-galay kulankaas, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed, Cabdikariin Salaad Gabeyre, ganacsato Luul Maxamed Sheekh Cisman, culumaa’uddiin ay ka mid ahaayeen, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh C/qaadir Soomow, guddoomiyaha dallada bulshada rayidka ee SOSCENSA, C/llaahi Maxamed Shirwac iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo dhammaantood soo dhaweeyey qorshahan iyo muhiimadda uu leeyahay, iyagoo ballan-qaaday inay garab ku siin doonaan wasiiradda sidii loo fulin lahaa qorshahan cusub.

Ugu dambeyn, waxaa kulankaas ka hadlay wasiir-u-dowladaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada oo ka warramay qorsheyaasha wasaaaradda ee sanadkan gaar ahaan waxbarashada, isagoo sheegay in dhaqaale laga halay dibadda uu noqon karo kaalmo oo kaliya, balse maal-gelinta wax lagu dhaqaajinayo la doonayo inteeda badan inay ka timaada bulshada Soomaaliyeed.

Sahan ay kal hore sameeyeen hay’adda Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday in 22-kii sano ee burburku ka jiray Soomaaliya ay waxbarashada aasaasiga ah heleen oo kaliya 13% dhallaanka Soomaaliyeed, waxaana haddii uu hirgelo qorshahan lagu xoojinayo waxbarashada dalka ee ay waddo wasaaradda horumarinta iyo adeega bulshada uu noqon doonaa kii ugu weynaa burburka kaddib ee ay ka faa’iideystaan caruurta Soomaaliyeed ee aan haysan waxbarashada aasaasiga ah. 






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya