4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Saraakiisha Ciidamada Jabuuti oo kulan la Qaatay Mas’uuliyiinta iyo Ardeyda Jaamacadaha ka dhisan Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Tan waa qeyb ka mid ah qorshaha ciidamada Jabuuti ee ka howlgalka midowgga Africa AMISOM ay ku hormarinayaa adeegyada kala duwan ee aas-aasiga u ah nolasha iyo sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo wacyiga bulshada iyada loo sii marayo dhinaca waxbarashada.

Kulanka saraakiisha ciidamada Jabuuti, maamulka iyo ardeyda ilaa sadax Jaamacadood oo ka dhisan magaalada Baladweyne ayaa ka dhacay xarunta Jaamacada Hiiraan University sida ku-meel-gaar ah ay u sii degan tahay, madaama dhismihii weynaa ee Jaamacada xarunta militari ka dhigteen ciidamada dowladda Itoobiya.

Prof. Ibraamin Cumar Mahad oo ku hadllayay magaca Jaamacada Hiiraan University ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay kulanka ay wada qaadanayaan bahda warbarashada gobollka iyo  saraakiisha AMISOM, isaga oo qiray marka laga soo tago howlaha militari in ciidamada Jabuuti  kaali weyn oo muuqata ka qaateen soo nooleynta rajada mushtamaca ku dhqan magaalada Baladweyne oo ka hor imaashahooda sida uu hadalka u dhigay mugdi badan uu ku jiray.

“Annaga runtii mahad balaaran ayaa u celineynaa ciidamada walaalaha aynu nahay ee Jabuuti, sidoo kale waxaa halkan fariin uga direynaa oo aan leenahay waad mahadsan tahay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweyne Soomaaliyeed,’’ sidaa waxaa yiri Pro Ibraahim Cumar Max’ed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in waxbarashada gobollka gaar ahaan magaalada Baladweyne sanadihii ugu danbeeyay ay ku soctay daruufo kala duwan iyo marxalado marba heer joogay, hasse ahaatee bilihii ugu danbeeyay oo ay ka howlgalayeen ciidamada Jabuuti magaalada Baladweyne la oran karo waa heerkii ugu fiicnaa oo ay gaarto  waxbarashada guud ahaan magaalada.

“Amniga iyo waxbarashada waa ay isku xiran yihiin, sidaa daraadeed hadda waxaa is leenahay daruufo kala duwan oo la soo maray kadib waxbarashadu waxaa ay tagan tahay heerkeedii ugu wanaagsanaa,’’ ayuu yiri Pro Ibraahim Cumar Mahad.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada midowgga Africa AMISOM oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay lagana yaabo in dad badan aysan rumeysan in Jaamacado gaaraya ilaa Afar Jaamacadood ay ka dhisan yihiin magaalada Baladweyne.

’’Waxaa laga yabaa in dadka qaar aysan rumeysan magaalada Baladweyne waxaa ka dhisan oo shaqeynaya ilaa afar Jaamacado bixiya adeeg waxbarasho oo tayo sare leh oo ay halkan hadda nala fadhiyaan mas’uuliyiinta iyo ardeyda ilaa sadax Jaamacadood, waa arin laga yaabo in dadka qaar ay rumeysan waayaan, laakiin waa arin sax ah oo jirta,’’ ayuu yiri Cismaan Dubad.

Waxaa uu ku dheeraaday oo uu ka sheekeeyay waxqabadkii ciidamada Jabuuti mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Baladweyne isaga oo carabka ku dhuftay in ay jiraan arrimo ay dheer yihiin ciidamada kale ee AMISOM.

“Annaga guud ahaan waxaa ka tirsannahay ciidamada AMISOM oo aad og-tihiin howlaha ay dalka u joogaan, laakiin haddana annaga ka ciidamo Jabuuti ahaan ciidamada kale ee howlgalka nagala qeyb-qaadanaya waxaan dheernahay arrimo badan, waayo Soomaalida iyo annaga wax aynu ku kala gadisannahay ma jirto, waana tan keentay in aynu isku soo dhawaano, is dhax-galno, wada shaqeyn buuxda oo heerkan gaarsiisan aynu yeelano,’’ ayuu yiri Col. Cismaan Dubad.

Waxaa uu sheegay ka hor inta aysan magaalada Baladweyne soo gaarin in ay jireen dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nabad-galyada ah, laakiin haddana arrimahaa la soo afjaray dadaal dheer lagu bixiyay.

“Waad la soctaan maalintii hal ilaa sadax ruux ayaa magaalada lagu dilayay ama qarax halagu dilo ama si kale ha loo toogto, mashaakil dhinaca amniga ah ayaa jiray, laakiin hadda arrimahaa waa ay soo dhamaadeen,’’ ayuu sheegay taliyaha ciidamada Jabuuti.

Mas’uuliyiinta maamulka Jamacada Hiiraan University ayaa siweyn ugu cel celiyay kana codsaday saraakiisha ciidamada Jabuuti in ay gacan buuxda ka geystaan sidii dib Jaamacada loogu soo celin lahaa dhismiheedii rasmiga ah oo ay hadda degan yihiin ciidamada dowladda Itoobiya.

“Shalay haddii mar-marsiiyo laga dhiganayay nabad-galyo darro ayaa jirta, maanta waa amaan magaalada Baladweyne, sidaa daraadeed waxaa leenahay walaalaheen Jabuuti, iyaga oo mahadsan fadllan gacan nagu siiya sidii dib gacanta Jaamacada loogu soo celin lahaa dhismaheedii rasimaga ahaa ee hadda xarunta militari u ah ciidamada dowladda Itoobiya,’’ ayuu yiri hormuudka Jaamacada Hiiraan University Axmed Max’ed Nuur Qoslaaye.

Maxamed C/llaahi Buraale Raaxeeye oo ku hadllayay magaca guud ahaan ardeyda gobollka ayaa sheegay in marka la eego dhinaca deeqa waxbarashada ardeyda wax ka barata gobollka Hiiraan yihiin kuwo ku dulman, sidaa daraadeed waxaa ugu ugu baaqay saraakiisha ciidamada Jabuuti in ay kala shaqeeyaan sidii uu xiriir u dhaxmari lahaa Jaamacada magaalada Baladweyne iyo kuwa Jabuuti.

“Waxaan ka codsaneynaa saraakiisha ciidamada Jabuuti in ay ka shaqeeyaan xiriir dhaxmara Jaamacadaha magaalada Baladweyne iyo kuwa Jabuuti iyo sidii deeq waxbarasho ardeyda gobollka uga heli lahaayeen Jaamacada dalkaasi Jabuuti, waana ka rajeyneynaa in ay arintaa noo suurta-galin doonaan walaalaha hadda nala fadhiya,’’ ayuu yiri Max’ed C/llaahi Buraale Raaxeeye.

Kulanka maanta dhaxmaray saraakiisha ciidamada Jabuuti, maamulka iyo ardeyda Jaamacadaha magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale waxaa joogay wariyayaal isugu jira kuwo heer caalami ah iyo qaar ka socday Idaacado, wakaalado, iyo TV-yo kala duwan oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baladweyne.

Jaamacadaha kulanka ka qeyb-galay ayaa waxaa ay  kala ahaayeen Jaamacada Hiiraan University, Baladweyn University iyo Salaama University oo dhamaantood ka howl-gala magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya