4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Xukuumadda Somalia oo sheegtay in 50-kun oo Doollar ay Abaal-marin ahaan u siinayso qofkii qabta ruux dilay Wariye


Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay lacag gaaraysa 50,000 oo dollar ay abaalmarin ahaan u siinayso qofkii soo qabto qof dilay wariye. Sidaa waxaa Muqdisho kaga dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay u muuqato mid looga hortagayo dilalka suxufiyiinta oo joogto ka noqday Soomaaliya sannadihii ugu dambeeyay.

Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhaweeyay arrintaan, waxayna tallaabadan ku sheegeen mid yareynaysa dilalkii sida joogtada ah loogu geysan jiray saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Sannadkii lasoo dhaafay oo keliya 18 wariye ayaa lagu dilay guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoo intooda badan lagu qaarijiyay Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka ay maamusho dowladda, iyadoo sannadkii hore 2012 uu noqonayo sannadkii ay ugu dilalka badnaayeen Soomaaliya.

“In wariye la dilo waa dhibaato weyn,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Shirdoon oo intaas ku daray. “Horumarinta cadaaladda waxay udub dhexaad u tahay in la horkeeno sharciga kuwa geysanaya dilalka suxufiyiinta.”

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu khatarta badan caalamka ee suxufiyiintu ay ka shaqeeyaan, iyagoo la kulma dilal toos ah iyo qaraxyo lagu beegsanayo kuwaasoo suxufiyiin badan ay naftooda ku waayeen.

Dilalka suxufiyiinta loo geysto qaarkood ayaa waxaa la rumeysan yahay inay salka ku hayaan sadbursi dhinaca awoodda ah, iyadoo aanay jirin cid loosoo qabtay dilalka wariyeyaasha.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay horraantii bishan ku xukuntay min hal sano oo xabsi ah wariye Cabdicasiis Koronto iyo haweeney uu wereystay oo sheegatay in kufsi ay u geysteen ciidammo ka tirsan kuwa dowaldda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya