4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Golaha Deegaanka Maamulka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo oo doortay Duqa Magaalada iyo labadiisa ku xigeen (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Golaha deegaanka qaybta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay maausho Galmudug ayaa u maanta kulan ay yeesheen ugu doortay, Bile Bashiir Caynab inuu noqdo duqa magaalada, Gaalkacyo.

Duqa cusub ee Gaalkacyo ayaa doorashadii dhacday maanta oo Axad ah wuxuu kaga guuleystay murashaxii keliya ee la tartamay oo ahaa, Saciid Salaad Cilmi (Bulbul), wuxuuna Bulbul goobta ka sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada sida ay u dhacday, isagoo ballan-qaaday inuu la shaqayn doono duqa magaalada Gaalkacyo ee la dootay.

“In doorashadan aan kusoo baxo waa mid aad u wanaagsan, waana horumar dhinaca maamulka ah oo Galmudug ay gaatay. Waayo waayadii hore duqa magaalada waxaa soo magacaabi jiray madaxweynaha, balse hadda waxaa soo dooranaya golaha deegaanka,” ayuu yiri Bashiir oo goobta ka hadlay.

Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono howlo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha bulshada sida: caafimaadka, soo celinta bilicda magaalada iyo waxbarashada.

Dhanka kale, golaha deegaanka waxay doorteen ku xigeenka koowaad ee duqa Gaalkacyo iyo ku xigeenka labaad, waxaana ku guuleystay jagada koowaad, Maxamed Cali Xasan, halka jagada labaadna uu ku guuleystay, Cismaan Cadceed Cilmi kaddib markii uu tanaasulay murashaxii tartanka la galayay.

Guddoomiyaha guddiga doorashadan, Muuse Cali Salaad oo sheegay inay doorashadu ahayd mid u dhacday si sharci ah oo waafaqsan xeerarka doorashooyinka maamulka Galmudug. Iyadoo dhammaan mas'uuliyiintii lagu dhaariyay isla halkii doorashadu ka dhacday.

Munaasabadda doorashada oo ay kasoo qaybaleen mas’uuliyiin fara badan oo  uu ku jiray madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaydbiid) ayaa waxaa gabagabadeedii ka hadashay duqii hore ee degmada Gaalkacyo, Saynab Cismaan Cali Xasan oo sheegtay oo sheegtay inay ku qanacday sida ay doorashadu u dhacday, waxayna ballan-qaadday inay xilka ku wareejin doonto duqa cusub ee la doortay.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya