4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
AMISOM oo si adag u cambaareysay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Xeebta Liido ee Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Taliska howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si adag u cambaareeyay qarax shalay ka dhacay baar Liido, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid lala beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawcmeen weerarka oo ahaa ismiidaamin ah loo adeegsaday gaari wayxaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay afaafka hor ee baar Liido. Sidoo kale qaraxa ayaa burburiyay sideed gaari oo baarka hortiisa taallay, kaasoo looga shakiyay inay ka dambeysay Xarakada Al-shabaab.

Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayaa lagu sheegay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay u tababareen dab-damiska ay si dhaqso ah halkaas ku gaareen, ayna la dagaalameen dabkii qaraxa ka dhashay.

“Weerarkan oo kale wax dhibaato ah kuma keenayo noloshada caadiga ah ee shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire Maxamed Anaadiif oo mar kale ku tilmaamay weerarkan mid fulaynimo ah. Isagoo intaas ku daray: “Ciidamada AMISOM waxaa ka go’an inay kala shaqeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya sidii lagu sugi lahaa ammaanka guud ee shacabka Soomaaliyeed.”

Danjiruhu wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, sidoo kale wuxuu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay dadkii kale ee ay dhaawacyadu kasoo gaareen weerarkaas.

“AMISOM way sii wadaysaa inay wax walba oo awooddeeda ah ku bixiso sidii ay shacabka Soomaaliyeed u caawin lahayd, sidoo kalena looga badbaadin lahaa weerarrada noocaas ah oo ay soo qaadayaan kooxaha argagaxisada ah ayn ayna shacdabku u qabsan lahaayeen shaqooyinkooda maalmeed iyagoo aanay cabsi ku jirin,” ayuu yiri danjire Anaadiif.
 
Sanad iyo barkii lasoo dhaafay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya oo is-garabsanaya ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanno badan oo ay ka talin jirtay. Iyadoo kumannaan qof oo horay uga barakacay deegaannadaas ay billaabeen inay dib ugu laabtaan deegaannadooda.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay inuu ahaa mid fulaynimo ah oo ay ka dambeysay Al-shabaab, isagoo xusay in xukuumaddu ay dadaal u geli doonto sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahayd qaraxyadan oo kale.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya